“Madaxwaynuhu Ninka Uu Yidhi Aynu Dhisno Waa Ninkii Shaanida Qarxinayay Ee Magaalada Qaska Ka Waday Markaa Deegaanadii Aanu Ka Nimi Kumaanaan Qancin Karayn Ninkaas Ayaa Murashax Ah” Xuseen Axmed Caydiid

0

Hargeysa (Sayruuq)-Xuseen Axmed Caydiid, afhayeenkii hore ee garabkii isbahaysiga dimuqraadi doonka ahaa ee KULMIYE haatana ah xubin katirsan xisbiga WADDANI ee mucaaridka ah ayaa ka hadlay sababaha ku kalifay inay xukuumadda iskaga tagaan iyagoo ka mid ahaa xubnihii ugu miisaanka cuslaa kuna biiraan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Xuseen Axmed Caydiid ayaa sidoo kale dhaliilo ujeediyey murashaxa Madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu yahay nin kali taliye ah oo aan dalka isku wadi Karin, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Ninka uu Madaxwaynuhu yidhi aynu dhisno waa ninkii xoogga wax ku doonayay, waa ninkii diidey in guddoomiye-nimada xisbiga lagula tartamo waa ninkii diidey in musharaxnimada lagula tartamo, waa ninkii shaanida qarxinaayey ee magaalada qaska ka waday isagoon melba gaadhin markaa dadkii iyo deegaanadii aanu k animi kuma qancin karno ninkaasi inuu yahy ninkii ku haboonaa musharaxnimo, dabeedna inaanu dadka musharax u doono ayaanu kuraastii uga tagnay, haddii aanu meesha sii joogno isumay kayo qabanayn inaanu khilaafno Madaxwaynaha iyo inaanu xukuumadda ku sii jirno, Madaxwaynuhuna xuurto ayuu ku haystaa golihiisa wasiirada, ninka raaci waaya dee wuu eryayaa anaguna anaga garanay inaanu isaga tagno oo aanu caqligayaga u madax banaanaano oo umadda wax anfaca aanu hor keeno, waxaanu sahan ugu maqnaanaba umadda halka aanu maanta keenay waa Waddani, labadaas nin marka maanta la isku eego ninkaas (Cirro) ayaanu garanay inuu yahay ninka maanta dadka bari illaa galbeed isku wadi karaya”.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.