Madaxwayne Siilaanyo oo Bilaabay Xil Ka Qaadis Midha Midhaysiya + Masuuliyiin La Filayo Inay Xilkooda Waayaan

0

Hargeysa(Sayruuq)- madaxwyanaha jamhuuriyadda somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiaanyo ayaa isagu mudooyinkii u dambeeyay diiradda ku hayay meelaha qaranka ee u baahan in isbedel laga sameeyo gaar ahaan mansabyadda xilkoodi sidii la rabay u fuli wayay.

Madaxwaynaha ayaa sameeyay qorshe cusub oo uu ku khaarajinayo cid kasta oo ka hortimaada awaamiirtiisa siyaasiga ah ee uu dalka ku hago waxaana koohaas kamida wasiir faratoon oo isagu weerar afka ah ku qaaday gogol madaxwaynuhu u fidiyay khaatumo.

Sidoo kale waxa kamida masuuliyiin si badheedha uga horyimi awaamiir madaxwaynuhu faray iyo qaar dacwad madaxwaynaha ah ula tagay kornaylka looga yaacay xisbiga kulmiye.

Hadaba madaxwaynaha ayaa laba siyaaboodba u khaarajin kara masuuliyiinta waa ta koobaade waa inuu soo saaro liis isku shaandhayn balaadhana oo uu xil ka qaadis iyo isku bedel ku sameeyo iyo sidoo kale inuu soo saaro midha midhaysi siyaasadeed oo lagu khaarajiyo maalinba mid iyo laba cidii ka hortimaada awaamiirta madaxwaynaha iyo siyaasadiisa waayo aragnimadu ku dheehantahay ee uu dalka ku hago.

Hase ahaatee arrimaha ugu fajaca badan ee xukuumadda madaxwaynaha gaar ahaan masuuliyiintiisu ku kacayaan waxa kamida iyagoo meesha ka saaray doorkii iyo mudnnaantii madaxwaynaha si badheedhana iskugu dhiibay kornayl muuse biixi oo beeshiisii uga yaacday kulmiye.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.