“Madaxtooyo Cusub Baa La Dhisaya Waa Wax Lagu Qoslo,”

0
“Madaxtooyo Cusub Baa La Dhisaya Waa Wax Lagu Qoslo,”

“Madaxtooyo Cusub Baa La Dhisaya Waa Wax Lagu Qoslo,”
Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa wax lagu maadsado ku tilmaamay madaxtooyada cusub ee laga dhisayo galbeedka magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in aanay macquul ahayn in cashuurta bulshada laga qaado lagu dhiso madaxtooyo cusub haddii ay jirto cid kale oo lacagta bixinaysana ay tahay in laga wada hadlo halkii laga dhisi lahaa.

Maayarka magaalada Hargeysa ayaa dhawaan golaha Guurtida u sheegay in madaxtooyo cusub dhismaheedu ka socdo galbeedka Hargeysa, islamarkaana xarumaha baarlamaanka laga dhisayo koonfurta iyo bariga magaalada. Waxa uu sheegay in amarkaas uu madaxweyne Biixi bixiyay.

Mr Buubaa oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “Waa wax aad loogu qoslo oo loola yaabo ah in la yidhaahdo Madaxtooyo cusub baa la dhisayaa, waxaa is weydiin leh ma lacagta laga ururiyo dumarka wadhatooyinka fadhiista, iyo cashuurta laga ururiyo dadka masaakiinta ah ayaa laga dhisayaa, mise waxa la leeyahay cid baa inoo dhisaysa, arintaasi waxay u baahan tahay in waxyaabo fara badan in la ogaado, haddii ay ciddi inoo dhisayso, oo ay Dawladdu leedahay cid baa inoo dhisaysa waa in laga wada hadlaa meeshii laga dhisi lahaa iyo sidii loo dhisi lahaa, Soomaalidu waxay odhan jireen maba lulatee maxay leefta, haddii la leeyahay cashuurta dadka danyarta ay ayaa lagu dhisayaa Madaxtooyada iyo Barlamaanka, Askartii wax la siiyo ayaa lala yahay, baahiyo iyo baylahyo ka badan oo kale ayaa yaala”.

Isagoo ka hadlaya xaalad uu sheegay inay Somaliland ku jirto wuxuu yidhi “Wakhti adag baa la joogaa ee wixii dhibaatooyina ee jiray ee tafaaraaruq iyo kala qaybsanaan ahaa in la soo af jaro ayaa loo baahan yahay, oo meel wax looga soo wada jeesto, wakhti badbaado ayaa loo baahan yahay, ee wakhti la is qabqabsado maanta looma baahna, Geeska Afrika is bedelo ayaa ka socda ee waa inaynu is bedeladaasna la jaanqaadna oo aynaan ka hadhin”

Source: Geeska Afrika
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.