Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha

0
Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha

Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu baxay dalka Jabuuti waxaana halkaasi uga bilaamaya safar shaqo oo madaxtooyadu ku sheegtay in uu muddo kooban qaadan doono.

“Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

Warar kale ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Biixi la xidhiidho arrimaha gobolka gaar ahaana ciidamo ay wada jir u samaynayaan waddamada Badda Cas kulaalaya ee dhanka Khaliijka iyo Geeska Afrika kuwaas oo ilaalinaya ammaanka Badda Cas.

Somaliland ayaa hore ugu gacan-saydhay ciidamadaas haddii aan laga talo galin waxaanay u muuqata in dhaqdhaqaaqa arrintan ay ka wada hadli doonaan madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Geelle oo u faro dhuudhuuban arrimaha Geeska iyo kuwa xulufada Sucuudiga.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.