Madaxii DP World Ee Boosaaso Oo La Toogtay

0
Madaxii DP World Ee Boosaaso Oo La Toogtay

Madaxii DP World Ee Boosaaso Oo La Toogtay
Madaxii shirkadda DP World ee dekedda Boosaso Paul Anthony Formosa ayaa Saaka nin hubaysani ku dilay qaybta uu ka degan yahay dekedda, xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Ciidamada Dekedda ay Toogteen ninkii dilkaas gaystay. Wararku waxay intaasi ku darayaan in saddex askari oo ilaalo u ahaa ninka dhintay ku dhaawacmeen tacshiiradda lagu riday.

Poul Waxa Xafiiska Loo dhiibay 12 Oktoobar 2017, wuxuuna Asal ahaan ka soo jeedaa Dalka Talyaaniga. DP World oo ah shirkad Imaaraad ah ayaa heshiis 30 sanno ah kula jirta Puntland, sidoo kale dekedda Berbera ee Somaliland ayay shirkaddu maamusha.

Al-shabaab ayaa durba sheegatey dilka, Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Gobolka Bari ee Puntland waxa qaybo ka mid ah jooga kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo iyaga laftoodu mararka qaar ku dagaallama sidoo kale dalal kala dano duwan ayaa gobolka ku hirdama.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.