Madaxda Wasaaradda Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Ibraahin Habbane oo ay weheliyaan madaxda wasaaraddiisa ayaa kulan la qaatay madaxda iyo mulkiileyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay. Waxa uu hore kulan ula soo qaatay maamuleyaasha dugsiyada dawliga ah, waxaanu kala hadlayaa wada shaqaynta iyo tayada waxbarashada in kor loo qaado.
Wasiirka ayaa sheegay in hadda gacanta lagu hayo siyaasadda lagu hagayo waxbarashada dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo manhajka waxbarashada Somaliland, kaasi oo marka uu soo baxo dugsiyada dalka laga wada dhigi doono isku manhaj, ciddii doontaana Soomaali ama Ingiriisi ku dhigi doonto manhaj midaysan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.