Madaxda Dhaqanka Gabiley Oo Dr Cirro U Jawaabay

0
Madaxda Dhaqanka Gabiley Oo Dr Cirro U Jawaabay

Madaxda Dhaqanka Gabiley Oo Dr Cirro U Jawaabay
Madax dhaqameedka Gabiley ayaa si kulul ugu jawaabay guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Madaxda ayaa sidoo kale ku dooday in aanay xaqooda ka helin xukumaddii Siilaanyo, islamarkaana indhaha ku hayaan xukumadda Muuse.

Muxuu Sheegay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro
Dr Cirro waxa uu sheegay in caddaalad darrada ka jirta Somaliland ay tusaale u tahay 300 oo arday oo deeq waxbarasho ah oo dhawaan Itoobiya siisay Somaliland sidii loo qaybiyay. Waxa uu sheegay in gobollada Saaxil, Sool, Sanaag iyo Togdheer laga siiyay 300 ee arday 33 xubnood, halka 40 la siiyay Awdal iyada oo inta kale oo dhan 227 xubnood la siiyay gobolka Maroodijeex “Haddii degmada Gabiley la soo qaadana afarta gobol(Sool, Sanaag, Saaxil & Togdheer) iyada ka Schollars badnayd oo waxa la siiyay 37 xubnood,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro oo dhawaan ka hadlayay Ingiriiska.

Hase ahaatee waxa hadalkaasi ku gacan saydhay madaxda dhaqanka gobolka Gabiley oo sheegay in Gabiley xaq u leedahay in gobolnimo wax lagu siiyo “Ina Cigaal lixda gobol iyo Gabiley ayuu yidhi, waar waynu halawsanahay yaanay Maroodijeex na liqin ee xaqayaga lixda gobol iyo Gabiley aanu ku helno,” Sidaas ayay madaxda dhaqanku sheegtay.

Waxa kale oo ay Dr Cirro ugu baaqeen in aanu godob ka galin bulshada Gabiley maaddaama uu cod uga baahan yahay dalka oo dhan, islamarkaana han madaxweyne leeyahay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.