Madax Dhaqameedka Sool Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Shaqaaqo Ku Dhex-Martay Bali-Xasan

0

Buuhoodle (Sayruuq)-Ergo madax dhamaqameed ah oo uu hogaaminayo garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, oo ay wehelinayaan garaad C/risaaq garaad Soofe Duraan, suldaan Siciid Cismaan Cali iyo garaad Saleebaan Buraalle, cuqaal, culimo aw-diin iyo waxgarad ka soo jeedda goboladda Buuhoodel iyo Sool ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay degaanka Bali-xasan oo ka tirsan dhulka dawlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxaanay garaadadaasi labadda beelood u soo jeediyeen in ay colaadda joojiyaan kana shaqeeyaan sidii xaaladda nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana ay degaankaasi ugu wada noolaan lahaayeen si nabad ah. Ergadan Garaadadda, salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beelaha Buuhoodle iyo Sool, oo shalay warhaabinta kula hadlay meesha la yidhaahdo Dhar-kayn Geenyo oo ka tirsan gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ay u amba-baxeen sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen deminta beelihii dhawaan ay dirirtu ku dhex martay degaanka Bali-Xasan.

Garaad C/risaaq garaad Soofe Duraan, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dhawaan halkaasi ku dagaalamay in ay arrinta nabad ku soo dabaalaan. Waxaanu sheegay labada beelood ay yihiin walaallo, isku degaan ah, isla markaana Ab iyo ehelba wanaaga.

Garaad Soofe, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan baaq uga diraynaa dhibaatadii dhex martay beelaha walaalaha ah ee ka dhacday meesha la yidhaahdo Bali-Xasan. Waxaananu ugu baaqaynaa dadka walaalaha ah ee halkaa isaga hor yimid, ee Dhul-bahante iyo Habar Yoonis qaybo ka mid ah, xabadda hala joojiyo, waayo labadaa reer waa laba reer oo walaalo ah, waa laba reer oo deris ah, waa laba reer oo isku wanaagsan.

Runtii manaanaan filaynin maanta xabadaasi, aad iyo aad ayaananu u dhibsanay, waxaanu leenahay dagaalka hala joojiyo, waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo, waxaanu leenahay hala isku yimaado.”
Waxaanu intaasi ku daray “Annagu sidaas aad arkaysaan ayaanu isimo ahaan u amba-baxsanahay, meeshii shaqaaqadu ka dhacday ayaanu u soconaa, nabadgeliyo ayaanu ugu soconaa, labadda reer-ba in aanu u odayayno, oo aanu qaladka ka qabano, oo qoladda Dhul-bahante ee aanu ka midka nahay ka qabano, oo qoladda Habar Yoonis aanu ka qabano ayaanu u soconaa” Garaad C/rasaaq garaad Soofe Duraan.

Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale, oo ergadaasi madax dhaqameedka ah hogaaminaya ayaa labadda dhinac ee dirirtu dhex martay ugu baaqay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan, isla markaana loog baahan yahay in ay ku wada noolaadaan degaankooda, Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) joognaa Dan-dan, waxaanu soo jeedinaynaa dhibkii ka dhacay Bali-Xasan ee dhex maray labadaa Ardaa ee Dhul-bahante iyo Habar Yoonis, intii ku dhimatay ILLAAHAY ha u naxariisto. Haddii aanu nahay salaadiinta beesha Dhul-bahante, waad na aragtaan, idinkana warkiinii waanu dhegaysanaynay, nabadii aad ku baaq deenna waanu dhegaysanaynay. Dagaal Wiil baa ku dhinte ee Wiil kuma dhasho, nabad ayaanu u baahanahay, nabad ayaad u baahan tihiin, waxaananu ku soconaa meeshii dhibku ka dhacay ee Bali-Xasan, waanan isugu imanaynaa.”

Sidoo kale, Madax-dhaqameedkii iyo cuqaashii kale ee iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhammaantoodba si isku mid ah waxay baaq nabadeed ugu jeediyeen beelaha walaalaha ah ee dhawaan degaanka Bali-Xasan dirirtu ku dhex martay, iyagoo u hogo tusaaleeyay qiimaha ay nabadu leedahay. Garaadadda, salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beelaha Buuhoodle iyo Sool ayaa iyagu maalmahan ku sugnaa meesha la yidhaahdo Dhar-kayn Geenyo ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku heshiisiinayeen laba beelood. Waxaanay isla shalay u amba-baxeen dhinaca degaanka Bali-Xasan ee ay dhawaan labadda beelood dirirtu ku dhex martay sidii ay dhinacoodda gacan uga geystaan deminta colaadaasi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.