Macallin Kombuyuutar Oo Sawiray Barmaamijka Word

0
Macallin Kombuyuutar Oo Sawiray Barmaamijka Word

Macallin Kombuyuutar Oo Sawiray Barmaamijka Word

Shirkadda Microsoft ayaa balanqaaday in ay qalab kombuuyutar u iibin doonto macallin ku nool dalka Ghana oo arday barayay cashar ku saabsan kumbuyuutarka isaga oo aan haysanin wax kombuyuutar ah oo uu ku bixiyo casharka si ay ardayda ugu fududaato, islamarkaana u sameeyo casharrada tijaabada ah.

Sida sawirka ka muuqata, macallinka ayaa casharka ku bixinaya sabuurad, wuxuuna sawiray barnaamijka Word ee marka Computer-ka la isticmaalayo qoraalada lagu sameeyo ee shirkadda Microsoft soo saarto. Arrintan ayuu uga golleeyahay si uu tusaale ahaan ardayda ugu fahansiiyo sida Computer-ku u shaqeeyo.

Sawirkiisa ayaa lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana lasii faafiyay kumanaan kun oo jeer oo asxaabtu isla sii wadaagtay, iyada oo dadka baraha isticmaala ay aad ugu bogaadiyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu bixiyay macallinkan.

Macallinkan Magaciisu yahay Owuru Kwadwo ayaa Microsoft ka helaya qalab cusub oo uu ku shaqeeyo kadib markii farriinta dadaalkiisa xambaarsan gaadhay shirkaddan.

.Macallin Kombuyuutar Oo Sawiray Barmaamijka Word

Source: BBCSomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.