Maayirka Xilkiisa ka Shakiyaa waa mid aan Markiisa Horeba ku Fadhiyin cago adag oo ka sii Jeeday Waxqabadka ummaddiisa’

0

Maayirka Oodweyne oo baaq iyo dardaaran u jeediyey maayirradda iyo xildhibaannada Golayaasha Degaanka ee Somaliland

Hargeysa(Sayruuq)- Maayirka magaalada Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh Md. Cabdixakiin Nuur Muuse, ayaa ugu baaqay maayirrada magaalooyinka Somaliland in aanay ku mashquulin sidii ay u ilaashan lahaayeen kuraasidooda, balse xoogga saaraan waxqabadka iyo horumarka degaannada loo doortay.

maayarka Oodawyne

Md. Cabdixakiin Nuur Muuse oo saxaafadda la hadlay maanta, waxa uu sheegay in aanay qurux badnayn in maayirradu mashquul iyo dedaal geliyaan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen xildhibaannada la soo doortay, balse waxa uu xusay in xoogga la saaro horumarka iyo waxqabadka.

“Sunnaha dawladnimo ayaa ah in xilku meerto yahay, qofkastaana maalinta Ilaahay (SWT) u qadaro ayuu ka tagayaa, maayirrada kale ee dalkana waxa aan fari lahaa inta ay juhdi ku saarayaan xildhibaannad si aan xilka looga qaadin, waxa ka fiican inay dedaalkaas geliyaan waxqabadka ubada oo ay u shaqeeyaan dadkii soo doortay, waana inay waxqbad ku beddelaan juhdida ay doonayaan inay ku ilaashadaan kursaasidooda, oo aanay ku mashquulin olole ay kursigooda ku ilaashanayaan iyo wax la mid ah. Maalinta Ilaahay kuu qoray waad ka tagi xilka, laakiin qofkastaaba waa inuu ka shaqeeyo wax lagu xasuusto, taas ayuuna leeyahay,” ayuu yidhi Md. Cabdikakiin Nuur Muuse.

Waxa kaloo uu sheegay inuu khayr u rajaynayo maayirkii Boorama ee xilka laga qaaday, isagoo Ilaahay uga baryey inuu xilkiisii hore mid ka fiican siiyo, waxaannu dardaaran u jeediyey xildhibaannada golayaasha degaanka ee dalka Somaliland.

“Isbeddelka badan wax macno ah sheegi maayo, waxaanan xildhibaannada Golayaasha Degaanka dhammaantood ugu baaqi lahaa in aanay ku degdegin isbeddelka badan, iyadoo loo baahan yahay in isbeddel dhaco, laakiin waa inuu noqdo mid loo baahan yahay oo dalka iyo dadkaba wax dan ah ugu jirto, iyadoo ay tahay in isbeddelka muftaaxiisa iyo midho-dhalkiisa la fahmo, gaar ahaan waqtiga iyo goorta ay ku haboon tahay,” ayuu yidhi maayirka Oodweyne, isagoo intaas ku daray; “Haddii wax la beddelo xilli aan loo baahnayn, wax ku xumaadaya mooyaane waxba kuma wanaagsanaanayaan, waxaanna ku lumaya danta dadka iyo degaankaba, maayirka xilkiisa ka shakiyaa waa mid aan markiisa horeba ku fadhiyin cago adag oo ka sii jeeday waxqabadka ummaddiisa, kuna mashquulsanaa inuu iska ilaaliyo xildhibaannada.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.