Maayarka Berbera Oo Lagu Wareejiyay Lacagtii Somalia Saxeexday

0

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo maanta booqasho ku tagey magaalada Berbera, ayaa sheegay in uu la kulmay maayirka magaaladaasi Cabdishakuur Ciddin, isagoo kala hadlay sidii midowga Yurub ugu wareejin lahaa lacag 7.5 Milyan oo Yuuro ah oo loogu talogalay horumarinta degmada Berbera.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii Ogos ee sannadkan sheegtay in ay Midowga Yurub la saxeexatay heshiis lacageed oo dhan 22.5 Milyan oo Yuuro taasi oo 7.5 Milyan ka mid ah lacagtaasi loogu talogalay degmada Berbera.

Mashruucan ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in loogu magac-daray Eng. Yariisow, hase ahaatee Somaliland ayaa war ay soo saartay wakhtigaasi ku sheegtay in mashruuca Eng. Yariisow aan laga hirgalin karin Somaliland.
Source: Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.