Maayar SOLTELCO:-Waddaad Xajiimayntu Qiil Maaha!

0
Maayar SOLTELCO:-Waddaad Xajiimayntu Qiil Maaha!

Maayar SOLTELCO:-Waddaad Xajiimayntu Qiil Maaha!

Maayar SOLTELCO waxa uu yidhi “Looma baahna Wadaad yar oo Sibidh, Ciid iyo Dhagaxaan isku walaaqaaya” Markaad xilkaaga garan-waydo ee aad Kaalintaaddii gabto ileen noocaasuun baad u hadashaa.! Macnawiyan hadalkaasi waxa loo dhadhansan karraa xitaa Wado ma samaysan kartaan, haba ahaato mid aad bulsho ahaan isku kaashateenne. Wadaadkaasi waa Cashuur bixiye wanaagsan, waa Muwaadin garannaaya waajibaadka saarran, waxa uu iska gufaynayaa kaalintii aad ku bannaysay ee laguu igmadday. Cashuur bixiyeyaashu waxay u baahan yihiin inay hellaan adeeg hufan oo ka turjumaaya Cashuurtii ay dalkoodda geliyeen.

Haddaba, waxa Ammuur iyo Amakaag bulshadda Somaliland ku noqotay oo qofkii arkaabba anfarriir ku dhacay kadib markii uu Maayar Hargeisa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), uu kaga fal-celiyay hadal cabasho ahaa oo ka soo yeedhay Shacabi-weynaha Xaafadda Siinnay ee degmada Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargaysa, weedho isugu jira Handaddaad, Qaddaf iyo meel ka dhac, oo weliba uu ku weeraray Wadaad ka mida Culimadda waa wayn ee Somaliland. Wuxuun baan maqli jirey ileen hadal ax ma yidhaa.!
Cabashaddaasi waxay nuxur ahaan ku qotontay oo ku salaysnayd Cashuur bixin mayno, waayo adeegyaddii aanu u baahnayn-ba dawladda hoose kama helno, haddaanu Waddo yar u baahannana markaannu muddo daba-soconno ayay weliba nagu xidhaan Kharashka wadadu ku kacayso badhkiinna bixiya! oo Cashuurtayaddii meedday? bal adba wataase.! bal cid kuu jawaabtabba haddaad hesho. Cashuur bixiye markaad tahay adeeg kasta xaq-baad u leedahay inaad hesho shurruud la’aan. Maayar SOLTELCO, isagoon ka hadal Cabashaddii muwaadiniintaas, ayuu weerar qaawan oo Milgaha Masuuliyaddeed ka madhan, oo ka arradan, oo aad u fool-xumaa uu kula hadlay Sheekh ka mid ahaa bulshaddii dareenkoodda cabiray ee wax ka tirsannaayay Dawladda hoose ee magaalada Hargeisa, waxaannu Sheekhaas ku tilmaamay inuu u shaqeeyo cid kale, isagoo Hay’addaha Amniga faray inay Waddaadkaas la socdaan oo daba-gal ku sameeyaan.
Mar kalenna, waxa uu Waddaadkaas ku sheegay inuu Xaafadda Faarax Nuur goostay, laakiin mar qudha kamuu hadal Cabashaddii iyo dhaliishii ku jihaysnayd Maamulka dawladda hoose ee uu gadh-waddeenka u yahay. Afcaashiisunna may ahayn mid sawir toggan ka bixinaysa Masuuliyadda xileed ee uu hayo, waxaanna ka muuqatay Xilkas-daro badan iyo dhac-dhac aan ku habboonayn Masuulka ku fadhiya Kursiga Maayarnimo ee Caasimadda Hargeisa, waase Xil dhibbee yeelkii.!
Shacabku foosto daloosha uun dhaamin maayaanne, haddaanay Cashuurtooddii adeegyaddii bulsho aannay ku helinayn, waxaan filayaa haddii la joojiyo inaanay danbi innagu noqonayn ama bulshaddu si kale uga wareegto oo iyagu iskaashaddaan, waxaanna habboon in Maamulka golaha deegaanka ee Hargaysa ogollaadaan isla Xisaabtanka bulshadda, oo aannay ka xanaaqin dareenka bulshadda kaga soo noqonnaaya.
Garashadda iyo Wadciga bulshadda ee maanta lagu jiraa maaha siddii beryaha qaarkood, muwaadinka Cashuur bixiyaha ah darreenkiisu waa mid soo jeedda oo su’aallo badan iswaydiinnaaya, isla markaanna loo baahan yahay in Masuuliyiinta golaha deegaanka ee Hargaysa ay ka jawaabi karraan, haddii waydiimahaasi ku adag yihiin Kurraasta ay isku dhejinnayaan ha banneeyaan, maaha in Kursiga uun kuu muuqdo! Qofku waydiin kasta oo Cashuurta uu bixiyo iyo adeegyadda ka maqan uu kaa waydiiyo waa mid uu xaq Distooriya u leeyahay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.