Maayar Soltelco Oo Damacsan In Uu Xoghayaha Dawladda Hoose Ku Bedelo Shakhsi Uu Jeebka Ku Sito

0
Reer Hargeysa Ma Sii Wadi Karaan Bixinta Malaayiin Cashuur ah?

Hargeysa(Sayruuq) Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la sheegay in uu wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyay nin uu doonayo in loo magacaabo xoghayaha dawladda hoose si uu uga takhaluso xoghaye Cali Xasan Cawaale oo in muddo ah xilkaasi yahay.

Xoghayaha xilligan ee dawladda Hoose Cali Xasan Cawaale Ayaan laga soo warin wax shaqo xumo ah lamana garanayo sababta Maayarku xilligan u go’aansaday in la bedelo hase ahaatee waxay u muuqata in uu yahay dhaqankiisii xoghayeyaasha caasimadu u saldhigi waayeen muddo xileedkiisa iyada oo 5-tii sanno ee uu maayarka caasimadda ahaa 5 xoghaye isbedeleen.

Afar ka mid ah xoghayeyaasha shaqada laga eryay ayaa ka soo jeeday degmada Axmed Dhagax halka xoghayihii Maayar Soltelko ugu yimid ka soo jeeday bariga Hargeysa. Shakhsiga uu hadda wado Maayarku ayaa la sheegay in uu ka soo jeedo Bariga Hargeysa.

Maayarka oo marka uu saluugo xoghayeyaasha u gudbin jiray wasaaradda daakhiliga shakhsiga uu raallida ka yahay ayaa looga bartay in wasaaraddu ku raacdo rabitaankiisa laakiin, waxa la eegi doona in xukumadda cusub ka aqbasho dalabkiisan, islamarkaana bedesho xoghayaha iyo in loo garnaqo haddii uu jiro khilaaf u dhexeeya labada masuul.

Maayarka Hargeysa ayaa la filayay in la bedelo marka uu Madaxweyne Muuse guulaystay maaddaama ay isku hayb yihiin si Madaxweynuhu iskaga rido culaysyada saami qaybsiga beelaha oo xilligan ba cabasho badan ka taaggan tahay xukumadda uu magacaabay laakiin, lama oga in qorshahaasi uu ku bedelayo kursiga xoghayaha in uu siiyo beesha bariga Hargeysa oo uu ka qadiyay golihiisa xukumadda.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.