Maayar Soltelco Miyuu Ka Googoostay Somaliland?

0
Maayar Soltelco Miyuu Ka Googoostay Somaliland?

Maayar Soltelco Miyuu Ka Googoostay Somaliland?
Shabakadda wararka ee Ilaysnews ayaa ku warramaysa in warar xogogaal ah oo ay heshay sheegeen in maayarkii Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iskaga googoostay dalka una guuray waddanka Sweden.

Warqad uu qoray Maayar Soltelco ayuu si buuxda shaqadiisa ugu wareejiyay maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne. Maayarka oo warqadda ku sheegay in uu muddo aan cayinayn ku maqnaan doono Sweden ma sheegin ujeedada socdaalkiisa.

Xoghayihii hore ee dawladda hoose Cali Xasan Cawaale ayaa shalay saxaafadda u sheegay in ay muuqato in Maayarku dalka uga cararay baadhis dhawaan Hanti-dhawrk Qaranku ku bilaabay.
“Maayarkii Iyada Oo Odhid Ku Jiro Ayuu Dalka Ka Cararay,” Cali Xasan Cawaale
Dhawaan ayaa Hanti-dhawrka Somaliland qufullo ku jabiyay xafiisyo dawladda hoose ah oo uu baadhitaan ka bilaabay laakiin, ma jiraan warar dambe oo ka soo baxay baadhitaanka.
Dawladda Hoose Hargeysa Oo La Baadhayo
Waxaa la hadal haya in la kala diri doono goleyaasha degaanka oo muddo xileedkoodu ku eeg yahay bisha Maarij ee sanadkan lamana oga in ay isa seegeen madaxweyne Biixi iyo Maayar Soltelco. Maayarka ayaa la rumaysan yahay in uu lacag badan ku bixiyay ololihii madaxweyne Biixi laakiin, baadhista Hanti-dhawrka oo saxaafaddu wehelinaysay iyo kala dirista madaxweynuhu la maaggan yahay goleyaasha degaanka ayaa loo arki karaa in aanu Maayar Soltelco soo dhawayn.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.