Maamulka Gobolka Sool oo Faahfaahin ka Bixiyay Dil Habeen Hore ka Dhacay Laascaanood & Dad Loo Qabtay

0

Laascaanood(Sayruuq)- Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool, Cabdirashiid Xirsi Dalmar, ayaa faahfaahin ka bixiyay dil habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood iyo tirada dadka loo qabtay.

Waxaanu intaa ku daray falka dilka ah ee habeen hore ka dhacay magaalada Laascaanood in uu ahaa fal-dambiyeed ku cusub dadka magaalada oo aanay hore noociisa oo kale u arag dadka reer Laascaanood.

“Falkaasi wuxuu ahaa fal noociisu nagu cusub yahay oo aan hore mid la mid ahi magaalada uga dhicin, muqaaxi lagu shaahayo ayay laba nin oo midna xidhan yahay dirayska ciidanka booliska, midna xidhan yahay dirayska ciidanka qaranku rasaas ooda kaga qaadeen oo ay ku fureen dadkii goobta joogay. falkaas oo ahaa fal waxashnimo ah oo doqonniimo ahna waxa ku dhintay nin, sadex nin oo kalena way ku dhaawacmeen dadka ku dhaawacmayna waxaa ugu dhaawac culus ninka lugta ka jabay oo ALLE waa u sahlay dadka dhaawaca ah. Marxuumkaasina wuu ku dhintay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Sool oo shalay u warramayay wargeyska DAWAN.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sool oo la waydiiyay in ay jiraan dad loo qabtay kiiskaas dilka ah, waxa uu yidhi “Markii falkaasi uu dhacay-ba ciidanka ammaanka iyo ka maamul gobol ahaanba waanu ka hawl-galnay waxaana la soo qabtay saddex nin iyo gaadhi baadhistuna wali way socotaa dadka la soo qabtayna dib ayaanu ka sheegi doonaa in ay yihiin kuwii falka gaystay iyo in kale marka ay baadhistu noo soo dhammaato.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay in falkaasi uu ahaa mid aano hore la xidhiidha iyo in uu yahay fal argagixiso waxa uu kaga jawaabay “Imika ma odhan karo sidaas ayuu ahaa iyo ujeeddadaas ayuu lahaa, laakiin waa fal doqonniimo ah oo aan hore noo soo marin in bulsho dhan ah oo muqaaxi ku shaahaya in rasaas ooda lagaga qaado laakiin waxa kaliya ee aan ku sheegi karaa waa in uu yahay fal waxashnimo ah oo dalka iyo dadkaba laga galay.”
Xigasho:Dawan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.