Maamulka Dugsiyada Agoonta Ee Kuwait-ga Oo Lala Xidhiidhinayo Fadeexado iyo Ardayda Agoonta Ah Oo Laga Door Bido Dadka Kale Ee Lacagta Haysata.

0

raga tijaarta ah ayaan ka hadlaya ee ubadkooda $200 ee doolar ku daray inay agoomaha ku tuntaan waa xaaraan”Hooyo ka midda hooyoyinka cabashada muujiyey.

Hargeysa(Sayruuq)-Warbaahin madax banaan ayaa warbixin ka diyaarisay dugsiga waxbarashada ee Kuwait-ga ee ku yaala magaalada Hargeysa oo loogu tala galay inay wax ka bartaan carruurta agoonta ah. Warbixinta ayaa daaha ka rogtay inay jirto arday laga qaado lacago si wax loo baro, kuwaas oo ka madax banaan agoonta.

Warbaahinta Dalsoor.com oo warbixinta diyaarisay ayaa marka hore ku bilawday geedi socodkii lagu yagleelay dugsiga agoomaha ee Kuwait-ga

“Halkani waa iskuulka Kuwait-ga ee Hargeysa waa goob qalab casriyeysan la dhigay waxbarashadeeduna ay heer sarayso waxana loo yaqaana Iskuulka agoonta sababta oo ah wax loogu tala galay in carruurta agoonta ah deeq waxbarasho lagu siiyo. Waakan madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay kulankii furitaanka ‘waxa farxad weyn noo ah maanta inaan xafladan isugu nimaadno oo aynu ka soo qayb galnay furitaanka xarunta tan weyn ee agoonta loogu tala galay ee ay maalgelisay dawlada Kuwait”
Warbixinta oo sharaxaad ka sii bixinaysa xaaladaha Iskuulka ayaa intaas raacisay

“Laakiin maamulka Iskuulka waxa lagu eedaynaya in carruurta agoonta ah ee soo dalbada loo diido kuwii sii dhiganayeyna laga eryo booskoodana lagu bedalo carruur ay dhaleen siyaasiyiin, maal-qabeeno iyo oday dhaqameedyaba waxa aad mooda kuwii bulshada ugu awooda weyna inay dulmiyeyaan kuwii ugu tabarta darnaa”
maamulkii-horeWarbixinta waxaa ku jira oo ka hadlya Maxamed Axmed oo ka mid ahaa maamuladii Iskuulka agoomaha ee Kuwait-ga soo maray gaar ahaana qaybtiisa hoose dhexe, waana mid ka mida dadka ka xumaaday dulmiga loo gaysanayo agoonta

“Marka ay noqoto maamul iyo fulin, go’aan qaadasho, eris iyo ciqaab ardayga agoonka ah way hawl yartahay in go’aan laga qaata waayo uu u jilicsans yahay oo waalidkii ay u jilicsan oo isaga ayaa Iskuulkii u baahan si yar oo fudud ayaa lagu ciqaabi karaa lagu eryi karaa, laakiin haddii ay noqoto ardayga lacagta bixinaya oo kale aadbay u dhib badan-tahay inaad eridaan”
jaamac Jaamac Xuseen oo ka mid ahaan jiray macalimiintii ka soo hawl gashay dugsiga Kuwait-ga ayaa isna ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay kala kulmeen

“Anigu maanta hadaan idhaahdo waan xanuusanaya oo fasax ayaan u baahanay layma fasaxayo. Waa wada qaraabo dadkan meesha jooga ninka meesha u sareeya Ciid ayaa la yidhaa gabadhiisu waxay maamusha Iskuulka, ninka maamula iskuulka farsamada gacanta isagana gabadhiisu waxay maamuusha Iskuulka imika la dhisay ee hablaha loogu tala galay gabigoodu marka aad baadho wado qaraabo ayey isku yihiin”
Macalin Jaamac Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray

“Masaarida meesha joogta maanta qof la odhan karo, waliba dawladda waxa aan ka codsanaya inay waliba tagto oo ay soo qiimayso shahaadoyinkooda waxa laga yaabay nin Masri ah oo wax dhigaya laakiin aanu shahaado ka sidan waxan uu dhigayo”
mudaharadSidoo kale warbixintu waxay soo xigatay qaar ka mida waalidiinta agoonta dhalay gaar ahaana hooyooyinka xaafadaha iyo kuwa ubadkoodu Iskuulka dhigtaan oo xarrunta horteeda ku mudaharaadaya sanadkii la soo dhaafay

“Sidii ay ugu tala galeen nimankaa xasanaadka la baxayey ee agoonta ku magacaabay looma wado waxa loo wada hab ganacsi” Sidaasi waxa yidhi nin ka mida dadkii mudaharaadka ka hor dhigay xarunta agoomaah ee Kuwait-ga

hooyo“Waxa loo sameeyey inuu yahay Iskuul agoomaha ah laakiin agoomihii waxba looguma qabto. Iskuulki uu is bedalay wuxuu isku bedalay bareefad raga tijaarta ah ayaan ka hadlaya ee ubadkooda $ 200 ee doolar ku daray inay agoomaha ku tuntaan waa xaaran haday maanta ilmahooga xay u yihiin qaarbaa dhulka hoose ku jira oo aan xay u ahayn”
Waa hooyo ka mida hooyooyinka cabashada ka muujiyey maamulka Iskuulka.

 

 
guuleed-dafacGuuleed Axmed oo loo yaqaano Guleed Dafac ahna gudoomiyaha xarunta xuquuqal iisaanka ee madaxa banaan isla markaana ka mida sharciyaqaanada dalka ayaa arrinta dugsiga Kuwait-ga ka hadlay

“Haddii qaabka ay u shaqeeyaan aad u fiirsatid waxay u eegtahay inay yihiin meel loogu shaqo abuurayo dadka ajinabiga ah halkay ka ahaan lahayd inay wax soo saar dadkii dalka gudihiisa ka samayso ama samafal ka gaysato”
Sharci yaqaan Guuleed Axmed ayaa intaas raaciyey

“Nooca iyo dabciga shaqada dadka ajinabiga ah loogu yeedhaya waa mid ay qaban karaan dadka muwaadiniinta ah waxana shaqo qof ajinabi ah loogu baahan kara marka ay tahay mid farsamada ama cilmigeedu saynis ka sareeyo in muwaadinku qabanayo ayaa la odhan karaa taa ajinabi ayaa u baahan, laakiin marka ay tahay tu xoogsiya ama ay tahay mid maamul ah oo qof jaamacad ka soo baxay ama dugsi sare awood u leeyahay inuu qabto maxay tahay baahida keenaysa in qof dal shisheeye laga keeno oo waliba qofka dalka shisheeya laga keenaya uu yahay qof ka soo jeeda sinjiga nooca ama dalka cida keensata shaqada”
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in takoor dhanka ardayda ah ka jiro Iskuulka dhexdiisa, iyada oo xustay inay jiraan fasalo u gaara macalimiinta ajaanibka.
Maamulka guud ee xarunta waa shaqsi ka soo jeeda Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal, waxana jira xarumo kale oo ay maamulaan oo ku yaala Boorama iyo cisbitaalka International hospital oo isna Hargeysa ku yaala, kaas oo ujeedadii loo dhisay ahayd in lagu badhi taaro hadiiba ay dhacdo xarunta agoomaha ee Kuwait-ga. Dugsiga waxa maamule ku xigeen ka ah macalin ajaanib ah, halka isla cisbitaalkana uu maamule ka yahay nin kale oo aan dalka u dhalan.

Xigasho: Warsugan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.