Maamulaha Dahabshiil Group Oo Ganacsatada Waaweyn Ugu Baaqay In Ay Ganacsiyada Yaryar U Tudhaan Xilligan COVID 19 Saameeyay Dhaqaalaha

0
Maamulaha Dahabshiil Oo Falanqeeyay Saamaynta Ay Soomaalida Uk Iyo Afrikaba Ku Yeelanayso Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Yurub

Maamulaha Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ka qayb galay barmaamij Idaacadda BBC-du ku lafo guraysay saamaynta uu ganacsatada yaryar ee Soomaalida ku leeyahay Xanuunka Dunida saameeyay ee COVID 19 ayaa ganacsatada waaweyn u soo jeediyay in ay hoos u eegaan xaaladda ganacsatada yaryar gaar ahaana ganacsiga haweenka oo kaalin weyn ugu jira nolosha iyo dhaqaalaha qoysaska Soomaaliyeed.
“Runtii waxa loo baahan yahay in ganacsatada waaweyn ay ganacsatada yaryar ee waliba dumarku u badan yihiin caawiyaan, sababta oo ah waynu ognahay kaalinta haweenku kaga jiraan qoysaska, haddii dhaqaalaha dumarku koro dhaqaalaha qoys kasta oo Soomaaliyeedna wuu koraya, markaa ganacsatada waaweyn waxa aan aad ugu dhiiri gelinaya in wixii ay la qaban karaan ay la qabtaan waayo waynu ognahay Adduunka oo dhan kaalinta dumarku ay kaga jiraan,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Maamulaha Dahabshiil Group waxa uu tilmaamay in ay Dahabshiil ahaan wax la qaban doonaan Nafiisa Cabdi Faarax oo ka mid ah ganacsatada yaryar ee magaalada Muqdisho oo barmaamijka BBC-da u sheegtay in culays ka soo wajahay ganacsatada ka saraysa ee ay alaabta ka iibsadaan oo suuq yaraanta COVID 19 keenay awgeed u sheegay in aanay ogolayn in alaabta ay amaahiyaan ganacsiga yaryar.
“Runtii aad iyo aad baan uga xumay inanta Nafiisa ee Muqdisho ka soo hadlaysay dhibka ku dhacay, waxaanan ugu baaqaya in ay timaaddo xafiiska Dahabshiil Bank ee Muqdisho si aanu u eegno wixii aanu la qaban karno.
Dadka waxa aan kula talinaya in mar walba oo albaab xidhmo aanay odhan albaabadii iyo daaqadihii soo wada xidhmee guriga Ayaan iska fadhiisanaya, haddii albaab xidhmo albaab kale ayaa la baadha, haddii ganacsadihii aad la shaqaynaysay yidhaa ‘arrimahan Adduunka ku soo kordhay awgii wixii aan kugula macaamili jiray kula qaban maayo, waxaan ku talinaya in aanay runtii niyad jabin ee ay shirkadaha waaweyn ee aanu ka mid nahay fursado ka raadiyaan,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Maamulaha Dahabshiil waxa uu sheegay in haweenka Soomaalida ee ganacsiga ku hawlan oo dadaal badan muujinaya uu xishoodku yahay waxyaabaha dabra ee aan u saamixin in ay meelo badan maalgalin waydiistaan, waxaanu ku boorriyay in ay ku dhiiradaan soo bandhigidda fikradahooda ganacsi iyo sida wax loogala qaban karo.
Maamulaha Dahabshiil Group waxa kale oo uu ka hadlay doorka shirkaddu siiso haweenka iyo guud ahaan ganacsiyada yaryar “Anagu shirkad Soomaaliyeed baanu nahay, dhibaatada Soomaali soo gaadha waa dhibaato na soo gaadhay waanu ka dhex ganacsana dhammaan dhulka Soomaalida, waax dhan oo Macro-Dahab la yidhaa baa jirta oo Dahabshiil ka mid ah oo lacagaha yaryar dumarka amaahisa ee 1000 doollar, 2000 doollar, 3000 doollar, marka dumarka waxaanu ka aragnay wanaag badan lacagta way soo celiyaan markaas ayaanu lacag kale amaahina,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid Dahabshiil.

Sayruuqnews

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.