MAALINTIINA WAA ODAY ODAY HABEENKIINA WAA HABAR HABAR

0

MAALINTIINA WAA ODAY ODAY HABEENKIINA WAA HABAR HABAR

madaxweynaha somaliland muuse biixi cabdi wuxuu noqday dhinaca kale madaxweynihii koowaad ee soomaali ah ee taga dalka Guinea, Somaliland waxay noqotay dawladii koowaad ee soomaali ah ee xidhiidh dhexmaro dalkan Guinea ee galbeedka afrika.

dalka djibouti oo ah dal soomaaliyeed oo ay ka siman yihiin dalka Guinea inuu wada guumaysan jiray dalka france ayaa isagu wax xidhiidh ah lalahayn dalkan, haddaba somalia oo 30kii sanno ee u danbeeyey ka maqnayd fagaaraha caalamka sidoo kalena aan waligeed xidhiidh la yeelan Guinea inay tidhaahdo xidhiidh baa u jarnay waa qosolkii aduunka.

maalinbaa xildhibaan reer somaliland ah oo laakiin xamar ka ah xildhibaan oo aanu isku waraysanay Nairobi uu igu yidhi sanadkan xamar waxa iskaga sareeya channelkii xidhiidhkii caalamka wax ay u marinayeen saddex nin oo ciilqabayaal ah oo somaliland aan u ogalayn wax hormar ah ay dhinac walba ka samayso oo xitaa deeqihii caalamka raba inay ka joojiyaan,.saddexdaas ciilqabe ayuu wuxuu iigu sheegay xildhibaankaasi inay kala yihiin madaxweyne farmaajo, wasiirka arrimaha dibada ee maanta iska hadlay iyo wasiirka qorshaynta ee deeqaha somaliland lahaa waa joojinayaa, maanta ayeynu arkaynaa in wixii uu sheegayey xildhibaankaasi run yihiin.

mihiimku waa in kala duwanaanshaheena gudaha iyo midnimadeena dibadu kala soocnaadaan marka ay sidan oo kale war rasmi ah uga soo baxo xamar oo aan ahayn fake news.

abwaan gaariye ayaa yidhi alle ha u naxariistee

Galool mudhay oo farcamay
dhuddaa goonyaha ku fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin

#TEAMSOMALILAND

Cabdihakim elmi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.