Ma nihin dad maangal ah

0

Ma nihin dad maangal ah

Waxaa jirta baadhis dunida la ga adeegsado oo la yidhaahdo “aragti ururin”. Xeeladdaasi waa in dad badan oo bulshada guud ah ama bulshada qayb gaar ah la wayddiiyo aragtida ay ka qabaan arrin, iyada oo cod toos ah ama qoraal wax la gu wayddiinayo. Jawaabaha halkaa ka soo baxa wadartooda ayaa dabadeed aqoon la ga dhigtaa oo arrinkaa la ga ga talo qaataa. Dawladaha, shirkadaha iyo cilmibaadhayaashuba waa ay adeegsadaan. Dabcan waa la gu kalsoon yahay dadka jawaabay qof waliba in uu xaqiiqada maskaxdiisu siisay bixiyay.

Cilladda aan haddaba dadkeenna ku arkay wax ay tahay, qofka masalo guud ka hadlaya ama wax la ga wayddiiyo aad bay u yar tahay in uu si dabiici ah u gu jawaabo waxa ay maskaxdiisu siisay. Wuu is ka hadlayaa uun qofku oo fekeriba maayo. Tusaale ahaan telefeeshinnada soomaalida waxaa la ga soo daayaa barnaamijyo kamarad dadweynaha la la dhex qaado oo arrimo yaryar wax la ga wayddiiyo. Tusaale ahaan gabadh wariye ah baa ragga wayddiinaysa “qofka aad guursanayso maxaad ku dooran lahayd?” Ama “quruxdu waa maxay?” Wayddiimahaa raggu 99% gabadhii wariyaha ahayd wax ay u gu jawaabayaan si shakhsi ah: “Gabadh adiga kuu eg baan guursan lahaa.” “Quruxdu dee waa taada oo kale.” Markaa wayddiintii meesha waa ay ku khasaarowday, waayo inantu ma ay dhihin “aniga sidee baad ii aragtaan?”. Barta mareegta idaacadda BBC qof su’aasha taalla si caqligal ah u ga jawaabaya oo qanaacada naftiisa sheegaya wax yar baad arkaysaa, keliya hadal ay mar hore maqleen ayay dadku ku soo wada celceliyaan. Masalo kasta qofka soomaaliga ahi qaabdarradaas buu u ga hadlaa.

Dadku si dabiici ah iyo caqli ku ma hadlaan ee waxyaalo aan maangal ahayn bay is ka odhanayaan. Maba garanayaan in ay waajib tahay in ay garashada adeegsadaan inta aanay afka ka dhawaaqin. Markaa fikrad ururin soomaalida la ga qaado aqoon iyo talo la ga ma dhigan karo.

Bal haddana u fiirso goobaha la ga khudbadeeyo waxa rag waaweyn waalli iyo cantarabaqash ka socota. Khayrre dorraad wax ku khudbadeeyay “haddii askariga jiidda dagaalkanjoogaa iibyeedho wallaahay oo billaahay oo tollaahay waan tagayaa”. Hadalkaasi maangal ma aha, waayo isaga umaddu askarinnimo u ma ay diran ee hawl kale ayay u diratay ee xilkiisii ma gutay mise ma gudan? Tusaale kale, Farmaajo doorashadiisii wax uu ballanqaaday in uu dalka is ku filnaansho gaadhsiinayo laba sano gudahood. Maangal la’aan buu ahaa hadalkaasi laakiin la ma dhihin war edebdarrada na ga daa ee waa loo sacab tumay, waayo innaga oo dhan baan maangal ahayn. Maxamed Kaahin ka Hagbaddu maalin dhowayd dunida oo daawanaysa wax uu ku yidhi Ina Geelle hadal macnihiisu ahaa “xisbigaaga RPP waa xisbiga qudha ee sida ANC guulaystay waxaana loo baahan yahay in aad dunida ku faafiso si guushiisa loo ga wada faa’iidaysto”.

Ceebtan aynnu ku sheegnay maangal la’aantu wax ay ku sal lee dahay barbaarin xumo xagga fikrad dhiibashada iyo naqdinta hadalka ah oo aynnu eber ka joogno. Dabadeed waa innagaa is ka wada garab cinay. Maxaa run ah maxaa been ah, maxaa qumman maxaa qaldan, maxaa wacan maxaa xun, maxaa ceeb ah maxaa ammaan ah? Ogowna oo cilmi ahaan hadalkeenna ayaa maskaxdeenna iyo dhaqankeennaba qaabeeya.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.