Ma jirto Xilli Somalia Uga Xun Wakhtiga Dacwadda Badda

0
Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa

Waxa qoray Yuuusuf Garaad.

Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014.

Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga. Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay.

Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020.

Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ.

U heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada labada midna uma roona ballanta la qabtay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.