“Ma Ihi Muwaadin Somalia,” Aadan Barre Ducaale

0
“Ma Ihi Muwaadin Somalia,” Aadan Barre Ducaale

“Ma Ihi Muwaadin Somalia,” Aadan Barre Ducaale

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si kulul u beeniyay in uu haysto dhalashada Soomaaliya kadib markii ay dad ay siyaasadda ku xafiiltamaan ku eedeeyeen in uu haysto dhalashada Soomaaliya iyo Kenya labadaba taas oo ay ku durayeen daacadnimadiisa Kenya.

Waa wax dadku og yahay in aan ahay Muwaadin Kenyan ah oo ku faraxsan, mana haysto laba dhalasho, waligayna ma qaadan dhalasho dal kale mana qaadan doono. Dhiiggaygu waa Kenyan waanan ahaan doona,” ayuu yidhi Hoggaamiye Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray in laga daba socdo Mwende Mwinzi oo baarlamaanku ku xidhay in ay ka tanaasusho dhalashadeeda Maraykanka si loogu ansixiyo safiirnimada Koonfurta Kuuriya oo loo magacaabay. Wuxuu sheegay in dad badan kala hadleen sidii uu baarlamaanka u dhaafin lahaa laakiin, uu ku adkaystay waxa sharcigu ka qabo magacaabidda masuul dhalasho shisheeye haysta.

Arrintan waxay timid kadib markii guddida Anshaxa iyo ka hor tagga Musuqmaasuqa ee EACC soo saartay baadhitaan ku saabsan in ay jiraan masuuliyiin xil ka haya Kenya oo haysta laba dhalasho kuwaas oo ay suuro gal tahay in xilka laga xayuubiyo.

I am not a Somali citizen, Duale says amid dual citizenship probe

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.