“Ma Galayno Doorasho Komishankani Hagayo,”Waddani

0
“Ma Galayno Doorasho Komishankani Hagayo,”Waddani

“Ma Galayno Doorasho Komishankani Hagayo,”Waddani

Xisbi  mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa shaaciyay in aanu sinaba ku gali doonin doorasho ay hagayaan guddida doorashooyinka Qaranka ee xilligan jooga, halka xisbiyada Kulmiye iyo UCID ku adkaysanayaan in ay sidaasi ku gali doonaan doorashada Wakiillada iyo goleyaasha degaanka ee qorshaysan sannadka dambe.

Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Waddani ayaa dood telefishanka Eryal u qabtay saddexda xisbi ka sheegay in aanay dhacayn doorashadu haddii aan guddida la bedelin “Ma dhacayso doorashadaasi aniga ku idhi oo dhici mayso doorasho Waddani ka maqan yahay, doorasho Waddani ka maqan yahay dalkan kama dhacayso,” sidaas ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr Daamur.

Waxa uu intaasi raaciyay rabitaanka Waddani ee ah in la bedelo Komishanka “Komishankan mid xaqsoor noo noqonaya maaha, anaga diidnay. Xeer beegti weeye nimankani, dhaqanka Soomaalida ah ee caadiga ah qofkaasi xeer beegti ii gali maayo haddaad tidhaahdo waa laga bedelaya oo wax dhib ah oo ku jira ma jiro. Qoor qabad qoolay biyo kuma cabto anagu qoor qabad ku gali mayno doorashada waxaanu ku galayna marka nala maqlo ee nalaga bedelo,” Sidaas ayuu ku adkaystay masuulkan u hadlay Waddani.

Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye oo mawqifka Waddani ka jawaabayay waxa uu ku adkaysay in doorashada wakiillada iyo goleyaasha degaanku ku dhacayso sidaasi iyada oo aan Komishan laga bedelin “Waa khasab in doorashada la qabto Maarij 2019, xukumaddana way ka go’an tahay wax kasta oo jiraba, baarlamaankani ma sii fadhiyayo meesha. Reer Waddani waxaan leeyahay waxa inoo taalla arrin culus oo doorashada baarlamaanku inta dib ugu dhacaysay oo ah doorashadii baarlamaanka waxaan leeyahay taas aan xoogga saarno,”Sidaas ayuu yidhi Mr Shabeel.

Maxamuud Cali Muuse (Jiir) guddoomiyaha golaha dhexe ee UCID ayaa dhankiisa sheegay in ay ogol yihiin in sidaasi lagu galo doorashada laakiin, ay tahay in la qanciyo xisbiga Waddani oo arrinta wada hadal lagu dhammeeyo.

Go’aanka xisbiga Waddani ku diiday doorashada ayaa imanaya iyada oo uu xalay guddoomiyaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro diiday in uu ka qayb galo kulan uu madaxweyne Biixi ugu yeedhay oo ku saabsan mucaaradada Soomaaliya ku hayso heshiisyada Imaaraadka.

Waddani ayaa khaladaad badan ka tirsanaya guddida doorashooyinka Qaranka ee Somaliland oo ay saluugeen doorashadii madaxtooyada ee 13 November.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.