Ma Dhabbaa In Lacag Loo Qaybiyay Xildhibaannada?

0
Ma Dhabbaa In Lacag Loo Qaybiyay Xildhibaannada?

Ma Dhabbaa In Lacag Loo Qaybiyay Xildhibaannada?

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo aan magacooda la sheegin ayaa laga soo xigtay in xukuumadda madaxweyne Biixi siinayso xildhibaannada abaalmarin ay kaga xodxodanayso in ay si aqlabiyad ah u meelmariyaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee muddooyinkii u dambeeyay horyaallay.

Shabakadda Ilaysnews oo soo xiganaysa xildhibaanno aan magacooda la sheegin ayaa ku warrantay in hotelka Grand Hadi ee magaalada Hargeysa lagula kulmay xildhibaannada una muuqato in abaalmarin lacageed halkaasi lagu siiyay xildhibaannada ku abtirsada Kulmiye.

Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ayaa ka soo horjeeda Cabdirashiid Riyo-raac oo ay ku sifeeyeen xubin Kulmiye ka tirsan, sida oo kale Waddani ayaa diidan Kaltuun Sh Xasan oo Komishankii hore ka tirsan.

Madaxweyne Biixi iyo guddoonka Golaha Wakiillada ayaa hore u sheegay in arrintu u taallo xildhibaannada Golaha Wakiillada laakiin, mucaaradka ayaa muujiyay in aanay kalsooni ku qabin xildhibaannada oo ay tahay in ay ansixiyaan xubnaha Komishanka ciddii aan sharciga u qalmina ay reebaan.

Ma cadda xodxodashada iyo loolanka mucaaradku ku dhex leeyahay Golaha Wakiillada laakiin, waxa aqlabiyadda leh mudaneyaasha ka soo jeeda xisbiga Kulmiye taas oo muujinaysa kalsooni darrada mucaaradka.

Source: Ilaysnews

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.