Ma Dhabbaa In Jamaal Cali Xuseen Ka Tanaasulayo Musharaxnimada UCID Saaxaddana U Bannayno Siyaasiyiin Xisbiga Ku Soo Wajahan

0

Hargeysa (Sayruuq) – Labadii Bilood ee u dambeeyay waxaa Suuqyada siyaasada Somaliland soo galay warar sheegaya in Musharaxa Madaxweyne ee la jecel yahay ee Jamaal Cali Xuseen Ka tanaasulayo Musharaxnimadii Xisbiga UCID islamarkaana uu u bineeynayo nin uu biday inuu guul Xisbigiisa u soo hoyn karo doorkan tartanka musharaxnimada Madaxtinimada Somaliland ee soo socota,waxaana la sheegay inuu Jamaal si niyad sami ah ugu wareejinayo bilaha soo socda ninkaasi,islamarkaana si weyn oo tolmoon la iskula afgartay arintaasi.
Sida warar  ku saabsani ay muujiyeen waxa mudooyinkii u dambeeyay suuqyada Siyaadda Somaliland lagu gorfaynayay jiritaanka war sheegaya in Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID laga dhex wado isbadelo siyaasadeed oo loogu gogol xaadhayo sidii uu Xisbigaasi doorashada soo socota ugu guulaysan lahaa Kursiga dalka looga arimiyo. Wararkan ayaa intaa ku daray in Kulamo badan oo isdaba joog ah oo Masuuliyiinta Xisbigaasi ku jireen labadii bilood ee u dambeeyay oo ay kaga arinsanayeen sidii ay iskugu afgaran lahaayeen isbadelkaasi ayaa sida la noo xaqiijiyay ku soo dhamaaday guulo la taaban karo islamarkaana ay si weyn iskula afgarteen in fursad u muuqata Xisbiga oo ku waajahan mustaqbalkan dhaw aan la isla seegin ee la isla fahmo,taasi oo ah in la aqbalo dalab uga yimid Xisbiga Rag aan magacyadooda la shaacin oo miisaan culus ku leh Somaliland oo danaynaya inay Xisbiga maalgashadaan iskana dhex sharaxaan.
Sida wararkani lagu sheegay,Raggan oo siyaasiyiin ah oo si weyn loo garanayo balse dhawaan soo shaac bixi doona ayaa ugu horayn sida la sheegay Hankooda iyo Maalgashiga Xisbiga UCID ay ku samaynayaaan iyo Dalabkoodu ku horaysiiyay mudo bilo ka soo wareegeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,waxaana la sheegay inuu Faysal arinkaasi la qaatay islamkaana uu mudo ka dalbaday inay ka sugaan inta uu Jamaal Cali Xuseen kala soo hadlayo arinkaasi oo isaga markaa u qudh quudhsamay,waxaana la sheegay inay Faysal iyo Jamaal markii hore isku afgaran waayeen arintaasi islamarkaana uu sida la sheegay Jamaal kaga duday oo uu cadhadii qurbaha u xulay,balse sida la sheegay dhawaan ayuu Jamaal aqbalay arinkaasi iyo dalabkaasi, Waxaanay warar xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen in Aqoon Yahan Jamaal Aqbalaadiisa ku ladhay codsi kale oo haddii ay jiraan ay bulshadu dhawaan wax ogaan doonto iyo maalmo aan fogayn Insha Allah.
Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ayaa aad ugu tafo Xaydan in Doorkan uu Xisbigoodu ku guulaysto doorashada Madaxtinimada waxaana jira dhaq dhaqaaqyo kale oo siyaasadeed oo uu Xisbigu wado oo ku saabsan Taageerayaal Axsaabta kale uga iminaya oo ku soo biiraya Xisbiga UCID kuwaasi oo miisaan culus leh islamarkaana wax weyn ka badeli doona Xisbiga Gudo iyo dibadba. Isku day badan oo aanu Xalay samaynay inaanu arintan wax ka waydiino way noo suurta gali wayday inaanu helno Masuuliyiinta Xisbiga Ucid,Sida Gudoomiye Faysal oo telka naga qaban waayay iyo Jamaal Cali Xuseen oo aanu fariimo kala duwan ugu dirnay email-kiisa khaaska ah oo aan wax jawaaba ah ka bixin xogahan dheeraadka ah ee aanu uga baahnayn si faahfaahin loo helo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.