Ma Dhabbaa In Imaaraadku Xidhay Cabdiwali Gaas?

0
Ma Dhabbaa In Imaaraadku Xidhay Cabdiwali Gaas?

Ma Dhabbaa In Imaaraadku Xidhay Cabdiwali Gaas?
Qoraal lagu baahiyay Facebook ayaa lagu sheegay in dawladda Imaaraadku madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku haysato heshiisyo oo uu wakhtigiisii saxeexay oo socon waayay sidaasna ay xabsi ku ugu xidhay laakiin, wada hadal lagu soo daayay.
Facebook aanay Sayruuq xaqiijin Karin in uu leeyahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu baahiyay qoraal lagu sheegay in Cabdiweli Gaas arrintiisa heshiis laga gaadhay laguna heshiiyay in lacagta Imaaraadka la bixiyo maaddaama aan heshiisku fulin.
Qoraalka ayaa u dhigan sidan?
Waxaa Ilaahay Mahadiis ah inaan Maanta Xalinay Khilaaf ka dhextaagnaa Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Cali Gaas iyo Dowladda imaaraatka carabta kaas oo Ku saabsanaa Arimo heshiisyo Puntland gashay hadda Kahor oo socon waayey.

Mudane Abdiweli ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanibnaa Guri Dubai kuyaal balse dadaal ilaa xalay aan u galnay ayaan Saaka ku guulaysanay in Wada hadal Guulaystay laga gaaro Arinkaaa isla markaasna Madaxweynuhu xoriyadiisii helo isla markaasna la bixiyo lacagaha Puntland ku maqan ee laxiriira heshiisyo socon waayey oo madaxweynuhu saxiixooda lahaa

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.