Ma Dhabaa In Danay Uu Qorshaynayo Inuu Golihiisa Wasiiradda Ku Soo Daro Siyaasi Kasoo Jeeda Beelaha Dhexe Ee Somaliland.

0
Ma Dhabaa In Danay Uu Qorshaynayo Inuu Golihiisa Wasiiradda Ku Soo Daro Siyaasi Kasoo Jeeda Beelaha Dhexe Ee Somaliland.

Ma Dhabaa In Danay Uu Qorshaynayo Inuu Golihiisa Wasiiradda Ku Soo Daro Siyaasi Kasoo Jeeda Beelaha Dhexe Ee Somaliland.

“Maamulka Puntland Oo Markii U Horaysay Golaha Wasiiraddiisa Ku Soo Daraya Masuul Aan Deegaan ku lahayn Dhulka Puntland Maamulo Iyo Ujeedada Ka Dambaysa.

Hargeysa(Sayruuq) – Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo wali ku guda jira dhismaha iyo soo xulista Xukuumaddiisa ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu Golihiisa Wasiiradda ku soo darayo Masuul kasoo jeeda Beelaha Dhexe ee Somaliland.

Xogo lagu daabacay Shabakado Caalami ah oo afka Ingiriisida wararka ku baahiya ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu Golahiisa Wasiiradda ku soo darayo Xubin kasoo jeeda Beelaha Dhexe ee Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer, balse lama sheegin magaciisa iyo halka uu hadda ku sugan yahay, waxayse wararka laga helayo Magaalada Garowe ay sheegayaan inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii aadka ugu ololeeyay Madaxweyne Deni Maalmihii koobnaa ee uu ku jiray Ololaha Madaxtinimada Maamulka Puntland.

Haddii ay arintani dhabawdo waxa uu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Beelaha Dhexe ee Somaliland ee ka mid noqda Golaha Xukuumadda Maamul Goboleedka Puntland intii ay jirtay, sidoo kale waxa uu noqonayaa masuulkii u horeeyay ee aan deegaan ku lahayn Dhulka maamulka Puntland gacanta ugu jira ee haddana ka mid noqda Maamulkaasi. Sidoo kale Lama garanayo ujeedada ka dambaysa arintani iyo siyaasadda uu ka leeyahay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland oo khilaaf culus oo dhinaca Xuduuddaha ahi ka dhexeeyo Dawladda Somaliland islamarkaana uu dhawr jeer dhex maray Dagaal Dhiig ku daatay. Waxa uu hore maamulkaasi hoy usiiyay Jabhad hubaysan oo ka goosatay Soomaaliland kuwaasi oo fadhiisimo Ciidan ka samaystay Gudaha Puntland.

Waxa si weyn isha loogu hayaa arintani iyo Hanaanka siyaasadeed ee uu Hogaanka Cusub ee Maamulka Puntland la shir yimaado iyadoo sidoo kalena uu doonayo inuu saamayn ku yeesho Maamulkani Madaxweynaha Dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo aan hore xidhiidh wanaagsani uga dhexayn Madaxweynihii hore ee Xilka ka dhaadhacay ee Puntland Cabdi-Wali Cali Gaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu maamul u dhaga nuglaada ka samaysto Puntland si uu danihiisa siyaasiga u dhex marsado.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.