Ma Dhaba In Weerar Ka Dhan Ah Xil Haynta Maayar SOLTELCO Uu Kaga Yimi Dhinaca Xisbiga KULMIYE??.

0

Hargaysa(Sayruuq)-Warar todobaadkii ugu danbeeyay si weyn laysula dhex maraayay ayaa sheegaya in Maayarka Caasimadda Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) olole ka dhan ah xilkiisa lagaga soo qaaday dhinaca Xisbiga KULMIYE oo uu ka soo baxay doorashadii degaanka, ilo wareedka laga helaayo arrintaas ayaa sheegaya in xubno kula jira Golaha degaanka oo ku dhaw dhaw Guddoomiyaha Xisbiga ahna Murrashaxa KULMIYE ay hormuud ka yihiin hujuumka lagu soo eekeeyay Maayarka Hargaysa.

Ilaa hadda ma jiraan warar sugan oo xaqiijinaaya jiritaanka warkaas, balse goobaha siyaasadda lagu falan qeeyo  iyo  baraha bulshada ee degelada Intetnetka ayaa lagu qaada dhigaayay. Geesta kale Maayarka Caasimada Hargaysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO), ayaa ka hadlay mooshin ka dhan ah oo la sheegay inay Golaha deegaanku ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan, isla markaana waxa uu ku dooday inuu kalsooni isku qabo inuu Kursiga Maayirnimo sii hayn doono.

IMG_13941

Sidaa waxa uu Cabdiraxmaan-SOLTECO ku sheegay, mar uu kula hadlayay Saxaafadda Madaarka Magaalada Hargeysa, kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalalka Sweden Iyo Ethiopia, waxaanu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uga soo qabsoomay waddamadaasi uu tagay.

Mar la weydiiyay Maayir Cabdiraxmaan-SOLTECO inay Xildhibaanada Golaha deegaanku Wadaan Mooshin ay xilka kaga qaadayaan sida uu u arko? Waxa uu ku jawaabay“Golaha deegaanku Xaq ayay u leeyhiin inay fadhiistaan, kalsooni ayaan isku qabaa Mooshinkasta oo la soo dhigo, haddii Golaha Wakiilladu geeyaan saddex meelood meel inaan ahay nin ku kalsoon Kursigiisa”. Sidaa waxaa yidhi Maayar SOLTELCO oo ay ka muuqato kalnsii badani.

Sannadkii ugu danbeeyay marka la eego agabka qalabada kala duwan ee ay Dawladda Hoose soo iibsatay iyo mashaariicda u qorshaysan sannadka cusub ee 2016, waxay muujinayaan dedaal dheeri ah oo uu sameeyay Maayarka Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Golaha degaankuba, in kasta oo dadka ka soo horjeeda dhaliilo badan u jeediyaan hadana waxaa la filayaa inay sawir kale u yeelaan muqaalka Caasimada marka la eego wadooyinka iyo mashariicaha u qorshaysan sannadka 2016, kuwaas oo ay u sahlayso qalabadan qaaliga ah ee ay soo iibsadeen.

Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaan iyagu ka hadlin wararkan ku saabsan Maayarka ee sheegaya in dhinacooda weerar lagaga soo qaaday,

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.