Ma ceebaa in muwaadiniintu maal gashadaan hanti dawladeed

0
Ma ceebaa in muwaadiniintu maal gashadaan hanti dawladeed
4

Ninka suldaanka ah ee hadley ayaan si fiican hadalkiisa u dhageystay. Laba wax buu ka hadley, midi waa hudheelka lagala wareegay, midna waa colaada ceel-afweyn. Ta danbe waxba ka odhan maayo oo waa arrimo amni, lakin haddii aynu si fiican ugu fiirsano arrinta Hargeisa club qodobo aad muhiim u ah marka dawladnimo laga hadlayo ayuu ninkaasi sheegtay.

  1. Waxa uu sheegay in hantida dawlada la maal-gashankaro lakin hab-raac iyo nidaam sharci loo maro intaasna ay mareen sidaana ku maalgashadeen.
  2. In marka laga wareejinayey la buriyey sharci hore oo uu ku haystay oo isla dawladu sameysay iyada oo aan la marin hab-raac ama nidaam toosan midna.

  3. Waxa uu raaciyey in uu jiro hanti dawladeed oo imikaba muwaadiniin kale gacanta ugu jirta oo ay ku shaqeystaan taas oo cadaalad darro ka dhigeysa in kaligii laga wareejiyo meel uu heshiis sharciya u haysto.

Arrintan noocan oo kale ah waxa kala dhalan kara su’aalo dhawr ah.

Dawladu marka ay cid wax ka qaadeyso ma jiraa xeer ama siyaasad ay bedeshay ama soo saartey oo dhaqan-gal ka dhigeysa in hantidaa la soo celiyo mise sida budhcada ayaa qofka ay rabto uga dul-dhacdaa ?

Dawladu miyey cadeysay in heshiisayadii dawladiihii hore galeen fowdo ahaayeen oo wixii ay bixisey sharci darro ahaayeen?

Ma ceebaa in muwaadiniintu maal gashadaan hanti dawladeed haddii sharciga iyo nidaamka loo marayo la saxo?

Cid baan wax kala wareegnay iyada oo aan la faahfaahin sababta iyo waxaa la soo celiyey iyo sida ummada looga faa’ideynayo ma wax qabadbaa?

Guryaha waaweyn ee madaxdu qaadato oo iyaguba hanti dadweyne ah miyaa la cadeeyey waxa laga yeelayo ?

Maxaa laga yeelayaa hantida kale ee dawlada ee la midka ah Hargeisa Club ee ku jirta gacanta dadweynaha ?

Dawladuhu haddii aaney mooryaan ahayn way caddeeyaan waxa ay wadaan si dadku ugu qanco ( transparency), wax qabadkoodana siyaasad ama xeer ayaa haga, bal intaa ha laga helo

Dr. Abdishakur

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.