Lowyacaddo: Faahfaahinta Hawl-gal sababay Qayla-dhaan Dadweyne oo Ciidamada Qaranku kaga Jawaabeen Cabasho Jabuuti u soo gudbisay Somaliland

0

Badhasaabka Gobolka Selal, Xildhibaanno iyo Odayaal ka hadlay Dhacdadan iyo saamaynta ka dhalatay

Saylac(Sayruuq)- Maamulka gobolka Selal oo ay weheliyaan Ciidamada Ammaanka gobolkaas, ayaa burburiyey dhismeyaal cooshado ah oo ka dhisan tuullo lagu magacaabo Xamaam oo masaafo 14 KM ah dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada xuduudka ku taalla ee Lowya-caddo, kaddib markii dowladda Jabuuti cabasho xooggan uga gudbisay xukuumadda Somaliland badeecado si qar-soodi ah looga tallaabiyo xuduudka u dhexeeya labada waddan oo lagu keydiyo tuuladaas.

Dhacdadan oo todobaadkii hore si wada-jir ah u fulyeen maamulka gobolka, ciidamo bileys ah iyo Cutubyo tirsan Ciidamada Qaranka, kuwaas oo dab qabadsiiyey Cooshado laga sameeyey meherado ganacsi oo dadka deegaanku ka samaysteen kaddib markii ay saldhig iyo marin dalka Jabuuti looga gudbiyo u noqotay alaabooyin Kontaraan ah, waxaanay tallaabadaasi sababtay qaylo-dhaan ka soo yeedhay dadweynaha deegaankaas oo sheegay in laga gubay bakhaarro iyo meherado ganacsi oo uga dhisnaa tuulada, waxaanay badhasaabka gobolka Selal ku eedeeyeen inuu u adeegayo dowladda Jabuuti, tallaabada uu qaadayna ay tahay mid uu dano gaar ah ugu fulinayo dalka Jabuuti.
Haseyeeshee, badhasaabka Gobolka Selal Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo Wargeyska Himilo ugu warramay Khadka telefoonka xalay isagoo ku sugan magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selal, waxa uu beeniyey inay jiraan meherado ganacsi iyo dhismeyaal sharci ah oo halkaas ka dhisan, balse ay yihiin dhismeyaal ku-meel-gaadh ah oo xarun u noqotay dad uu sheegay inay dalka Jabuuti si qarsoodi ah u galiyaan badeecado kala duwan.
badhasaab

Badhasaabka gobolka Selal waxa uu ujeeddada tallaabada ay ku bur-buriyeen dhismayaasha ka jiray tuulada ku sheegay arrimo xagga amniga ah iyo cabsi laga qabo inay ku soo dhex-dhuuntaan Kooxaha Xag-jirka ah, sidaas awgeedna ay dowladda Jabuuti cabasho uga gudbisay xukuumadda Somaliland.
“Meeshu magaalo may ahayn, wax bakhaatar ah ama dukaan ah oo meesha ku yaallay ma jiraan, waxay ahayd waabab yar-yar oo ay hoos-galaan nimanka kontarabaanlayaasha ahi oo la yidhi waxbay dhex-dhigtaan, waxaasina waxa ka mid ah sigaar, dawooyin iyo Kiniin, meeshuna waxay xadka Jabuuti u jirtaa wax ka yar laba Kiiloomitir. Dad kale reer Miyi ahina waxay ka samaysteen waabab yar-yar oo shaaha lagu kariyo si ay uga iibiyaan nimanka maalin oo dhan meesha fadhiya oo habeenkii intay tunka ku qaadaan sidaas ku galiya Jabuuti, Ciidanka Qaranku meesha kama dhawa,” Sidaas ayuu yidhi badhasaabka gobolka Selal.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Sidaas darteed, meeshaasi waxay halis ku noqotay ammaanka, annagoo taas ka wer-wersan, waxa noogu biiray cabashada ka imanaysa xagga Jabuuti oo dawladeena soo gaadhaysa way badnayd. Dowladdu in meeshaas laga baabiiyo dadka taladeedaa way qaadatay, waayo xuduudka labada dal la oggol yahay inay isaga gudbaan waa Lowyacaddo, meel walbana inay furnaato ma habboona.”
Badhasaabka oo aanu weydiinnay in tallaabadani qayb ka tahay hawl-gal ka dhan ah oo lagula dagaalamayo badeecado sigaarku ka mid yahay oo waligeedba dalka Jabuuti looga dhoofin jiray dhinaca Somaliland iyo haddii uu jiro culays kaga yimi dowladda Jabuuti, waxa uu ku jawaabay, “Sigaarka koontarobaanka ahi annaga nama khuseeyo, qofku meesha uu la marayona isagay u taallaa, laakiin waxay masuuliyiinta Jabuuti dalkooda ka soo qabtaan oo ay noo keenaan dad lagu soo qabtay Kiniin iyo daawooyinka laysku caddeeyo, dabadeed markaasay nagu yidhaahdaan waxaasaa dalkiina naga soo galaya. Markaa annaga waajib bay nagu tahay inaanu tallaabo ka qaadno marka lanoo soo gudbiyo alaabooyin aan ganacsiga ku haboonayn, xaqna way u leeyihiin,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Selal.
Guddoomiyaha Gobolka Selal oo aanu weydiinay waxa uu kaga jawaabayo eedaymo Odayaal deegaanka ahi ugu jeediyeen in sababta uu u bixiyey amarka lagu baabiiyey goobtaas tahay Arrimo dowladda Jabuuti ka dambayso iyo inuu fuliyo dano-siyaasadeed oo dowladda Jabuuti leedahay, waxa uu ku jawaabay, “Jabuuti Xidhiidh baanu leenahay, wixii dhib ku ah eenu arkayno, waa khasab in laga qabto, meeshuna maaha meel magaalo ah, maaha meel sharci ah oo deegaan ah, waa meeshaas ay nimanka kontarobaanku fadhiistaan ee ay ku sii nastaan. Maaha Koontarabaanka uun sababta aanu u baabiinay ee cid kasta oo dano ah iyo cadowguna meesha way soo gali karaan.”
In kasta oo badhasaabka Selal sheegay inaanay jirin Qoysas iyo Meherado Ganacsi oo la burburiyey, haddana sida ay Wargeyska Himilo u Xaqiijiyey Odayaal iyo Wax-garad u dhashay Gobolka Selal oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay xalay, ayaa noo xaqiijiyey inay goobta deggenaayeen 15 qoys aan deegaan rasmi ah ahayn oo qaarkood meherado laga cunteeyo ku lahaayeen goobta, kuwaas oo markii dambe la sheegay in maamulka gobolku ku qanciyey inay ka guuraan isla markaana la siiyey raashin iyo gaadiid ay ku guuraan.
Guddoomiyaha Gobolka Selal oo aanu wax ka weydiinnay inay jiraan Qoysas laga raray tuulada, waxa uu ku jawaabay, “Waxa jira ilaa toban qoys oo markii hore ka dhowaa meesha, dabadeena ay nimankani soo jiteen, ayaa meesha ku soo biiray, kuwaasna markii dambe waanu wada-hadalnay oo way ka guureen markii aanu wax yar ka siinnay mucaawimooyin ay na siiyaan Turkiga iyo qolo kale oo Faransiis ah, markaa taasaanu waxyar uga dhex-saarnay. Waxa kale oonu siinnay baabuur ay Xaabada ku qaataan, tiina waanu u geynay, meeshiina waanu kasoo rarnay oo waxaanu badankoodii dejinnay Bariisle,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Selal.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdinaasir Jaamac Xoosh oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha deegaanka Degmada Saylac oo wargeyska Himilo khadka telefoonka wax kaga weydiiyey waxa uu ka ogyahay Dhacdadan, isagoo jooga Xarunta gobolka Selal, waxa uu sheegay inaanay jirin meherado iyo goobo ganacsi oo la baabiiyey, balse ay jiraan waabab yar-yar oo Alaabooyinka kontarabaanka ah ee dalka Jabuuti loo gudbiyo oo la baabiiyey.
“Arrintaasi way jirtaa, meeshu maaha meel tuulo ah, waa meel ay cooshado yar-yar ay ka dhisteen niman Koontaro-baanka ku shaqaysta, wax dhisme caadi ah oo ka dhisanina ma jirin, sida aan maqlayna muddooyin badan ayaa loo digayey oo lagu yidhi wixii idinka yaala ka gurta, intoodii badnaynd way isaga tageen. Markaa in yar oo aan badnayn oo ka dhega-adaygtay, ayaa laga gubay waababkii, waanay iska yaaceen raggii meesha joogay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku, isaga oo intaas ku daray, “Meel yar oo Ceel-biyood ah oo u dhow, ayaa la yidhaahdaa Xamaam, tuulo rasmiya oo deegaanku ogyahayna may ahayn, waxayna ku taallaa oo ay soo xigtaa waddada tagta Boorama iyo Hargeysa.
Dhinaca kale, Oday Cabdi Cadaawe Daahir oo ka mid ah wax-garadka gobolka Selal oo aanu wax ka weydiinnay arrintan, ayaa sheegay in kasta oo ay jirto saamayn go’aankani ku yeeshay bulshada gobolka maadama ay dadka qaarkood u arkaan inay ahayd marin ganacsi, balse waxa uu sheegay inay ahayd tallaabo maamulku u qaaday xoojinta ammaanka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.