Live Sayruuq News Boorama

0

Wararka (Sayruuq Boorama) Caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama ayaa Maanta si wayn looga Xusay Dabaaldaga Maalinta Madaxbanaanida la soo noqoshadda Jamhuuriyadda Curdinka ah ee Rubuc Qarniga Beesha Caalamku ka Dhago adaygeen inay siiyaan Ictiraaf Caalami ah.
Shacab Waynaha Caasimadda Boorama ayaa Maanta ugu Soo baxay si aan Hore loo Arag iyadoo ay kala qayb galayaan Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ,
ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Ramaax oo uga mahad celiyay Dadwaynaha ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Awdal Gaar ahaan Caasimadda Boorama Waxaanuu yidhi :-
” Waxaan Mahad balaadhan u soo jeedinaynaa Shacabka reer Boorama ee muujiyay Wadaniyad dhab ah iyo inay u heelanyihiin una hiilinayaan Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland”
ugu Dambayntii waxa la filayaa In Caawa ay ka dhacdo Xaflad aad u wayn caasimadda gobolka Awdal ee Boorama waanan idiin soo gudbin doonaa inshallah

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.