Laguma Aamini Karo Wadahadalada Masiiriga ah ee Somaliland iyo Somaliya Xukuumada Madaxwayne Biixi

0
Farmaajo Oo Guddi U Magacaabay Somaliland

Laguma Aamini Karo Wadahadalada Masiiriga ah ee Somaliland iyo Somaliya Xukuumada Madaxwayne Biixi

Qoraalka ka soo baxay Golaha Wasiirada Somaliland ee Ku saabsan Wadahadalada Somalia iyo Somaliland waxa uu daboolka ka faydayaa Aqoon La’aan Dublamaasiyadeed oo haysata Madaxwayne Muse Biixi iyo Xukuumadiisa.

Wadahadlkii Somaliland iyo Somalia 🇸🇴 oo Beesha Caalamku waday kana soo bilaabmay Britain 🇬🇧 2011 soona maray heerar kala duwan, kana soo baxeen heshiisyo iyo War mutiyeedyo kala duwan oo heerarkoofu sareeyo gaarsiisnaana heer Madaxwayne iyo heer Wasiiro. Laguna soo dhisay Xafiis Secretariat oo Wadahadalku yeesho, Arimahaasi oo dhan laguma Xusin.

Cida Burburisay Wadahadaladii hore iyo Qodobada ay buriyeen lama Xusin.

Wadahadalkii ugu danbeeyay lama soo hadalqaadin.

Madaxwayne Biixi iyo Golahiisa Wasiirada ka Aradan Dublamaasiyada laguma Aamini Karo Wadahadalada Masiiriga ah ee Somalia iyo Somaliland.

Madaxwayne Biixi oo head of state ah ayaa Xaramka kula kulmay oo isla soo sawiray Wasiiro reer Somaliland ah oo Xukuumadda Federaalka Xil ka haya, inkasta oo aanay arimo Siyaasadeed ay yiraahdeen kama aanaan hadal, hadana wadahadal bariido soomaalino ayay sheegeen In ay wada yeesheen Wasiirada Fadaraalku Madaxda Somaliland.

Sida nolosha ruuxa bili’aadmiga ah aanu uga maarmi karin Cimri ka mid ah xiliga noloshiisu korayso ayay dublamaasi-yaduna u leedahay Arwaax iyo jidh koraya, Waa mustaxill oo ma odhan kartid, Warsame waa 20 sano jir oo wuxuu dhashay hadeer.

Wadahadal Dublamaasiyadeed oo Masiiri ah kaasi oo soo Socday mudo ayna soo wadeen Masuuliyiin adiga kaa horaysay oo matalayay Dalkan aad hada matesho Adigu. Haddii aad wixii hore u socday aad baalmarto oo cuskan waydo oo aad hanaan cusub adigu jeexato oo guulihii iyo wadahadaladii hore aad ku dul dhisi waydo .

Taasi waxay ka dhigan tahay in aad daadifaysay heerarkii hore ee wadahadalada adduunku maraga ka ahaa isla markaasina waxay daaha ka rogaysaa In aad diyaar u tahay Muran Soomaali iyo Gar iyo iska dabowareeg Hebel iyo hebel kuma jiri karaan Wadahadalada ayuunbaan la soo taagnaan doontaa iyo ………. ?

Xukuumada Madaxwayne Muse Biixi iyo Laftigiisa Waxan kula Talinayaa In ay si fiican u daraaseeyaan Warqadda Xukuumada Kenya u Qortay Baarlamaanka Dalkeeda ee Ku saabsan Khilaafka Badda ee kala Dhexeeya Soomaaliya, Dawlada Kenya waxay Warqadaasi Qiraalkeeda ka soo bilowday heerarkii ay soo mareen Wadohadaladii ay Kenya iyo Somalia wada yeesheen ilaa iyo 1960s, IHN Mohamed Ibrahim Egal oo Raiisal Wasaare ka ahaa Somalia ayay Kenya Ku Xustay Qoraalkeeda Wadahadalo uu dhinaca Somaliya Ku matalayay oo Kenya uu la yeeshay, hada garo oo Kenya waxay Baarlamaankeeda kala hadlaysaa Khilaafka Badda ee labada dal ee hada Taagan.

U fiirso, Qoraalka ka soo baxay Golihii Dhamaan ee Xukuumadeena oo ay kaga hadlayaan Wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo masiiri ah, laguma xusin wax references ah, goormay bilaabmeen imisa jeer ayaa la kulmay yaa gogosha bixiyay maxaa lagu heshiiyay yaa buriyay?

Ugu danbayn waxan ugu baaqayaa Madaxwayne Biixi In aanu tacab khasaarin Guulihii Umadda Somaliland iyo Hay’adihoodii Qaran ee adiga kaa horeeyay ay soo dhiseen.

Dublamaasiyada Caalamku uma shaqayso sida ay Hogaamiyayaasha Dhaqanka Soomaalidu u shaqeeyaan.

Lixdankii Aqoondaro Siyaasadeed iyo Khibrad La’aanbaa Cadaabta ifka ee Adduunka oo Muqdisho Ku taal inagu dhexriday hadeera Aqoondaradii ayaa Xukuumadeenii haysta diyaara uma aha In ay Muwaadiniinta Aqoonta leh wax waydiiso Xukuumada iyo Madaxwaynaheena.

https://www.somtribune.com/wp-content/uploads/2017/12/Istanbul-II-Communique.pdf

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.