“Lacagtii meeday?Ma fooqyadan la dhistay Baa?

0

“Lacagtii meeday?Ma fooqyadan la dhistay Baa?
Nooca miisaniyadeed ee dawladaha hoose ee Somaliland waxa la yidhaahda Zero-Based Budgeting – ZBB oo macno ahaan iyadoo kooban noqonaysa in qarashaadku noqdaan wax cayiman oo ku jaan go’an baahida loo qabo oo la xisaabiyay. Sannadku marka uu dhammaado waxay noqon kartaa mid ka badata intii la filayay, ama ka yaraata amaba ku sar go’an (balanced, deficit or surplus budget).
Cabdiraxmaan Soltelco, Wuxuu sheegay in ay 2018 Hargeysa u qorsheeyeen 45 KM oo waddo ah. Boqolkiiba 60% iyagu in ay bixinayaan dawlada hoose ahaan, 40% na dadwaynaha ama waxay ugu yeedhaan (Community Contribution).

Haddaba haddii 45 KM laga saaro, 40% ka cashuur bixiyaha caasimadda degan dib loo waydiinayo waxay noqonaysa 45 km – 40% = 27 KM. Haddaba, haddii ay 27 KM dhisi karaan iyagoon cashuurbixiyaha aan dib ugu noqon, illayn 60% kaba cashuur bixiyaha ayaa lehe, maxaa halkaas kaaga baxay?

Waxa kale oo jirta waxa loogu yeedho “road tax” oo ay dawladaha hoose sharciyan share ku leeyihiin. Wasaaradda Maaliyadda ayaa qaadda oo dib ugusoo celisa iyadoo ku sheegtaa kab “fiscal transfer”. Cashuuro kalena way ku lammaanyihiin. Mashruuca JPLG oo wadooyinku qayb ka yihiin ayaa isna jira. Haddii la isku daro, Sannadkii waxay si aad u fudud ugu dhisi karaan degmo kasta oo Hargeysa ka mida 15 KM – 20 KM.

Haddaba, lacagtii halkee la geeyay illayn xashiiska xitaa shirkado ayaa gura oo $5 ka qaada calaa xaafade? Maxaynu ku sheegnaa waxaas haddaba? Lacagtii meeday?
Ma fooqyadan la dhistay ee la sheegayaa?

Waar yaa Ilaahay yaqaan, Lammaba kala xishoonaayo.!!!

Abdinasir Hangagaar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.