“Lacagtii Guryaha Laga Dhisan Jiray Shaqaalaha Iyo Qalabka La Galinaya,” Guribarwaaqo

0
“Lacagtii Guryaha Laga Dhisan Jiray Shaqaalaha Iyo Qalabka La Galinaya,” Guribarwaaqo

“Lacagtii Guryaha Laga Dhisan Jiray Shaqaalaha Iyo Qalabka La Galinaya,” Guribarwaaqo

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa sheegay in wasiirradii ka horeeyay miisaaniyadda wasaaradda ka dhisteen guryo ay gaar u leeyihiin. Hadalka wasiirku wuxuu imanaya maalin kadib markii wasiir xigeenkiisu sheegay in telefishanka qaranku leeyahay hal Computer oo kaliya oo wararka lagu sameeyo halka marka la barbar dhigo telefishanka gaarka loo leeyahay ee Horn Cable oo wasiir xigeen Maxamed Muuse Abees soo eegay leeyahay 6 computer lagu kala sameeyo wararka soo dhaca halka tv-ga qaranka mid kaliya kuyuu loo galo waxaanu wasaaradda ku macneeyay mid ay dhaanto warbaahintii SNM ee xilligii halganka Balligubadle taallay.

Ballan waxaan idiinku qaadaya haddii daaro laga dhisan jiray nin dambe oo wasaaradda uu joogo daaro ka dhisanaya ma dhacayso,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo oo intaas raaciyay in qalabka iyo shaqaalaha la galinayo lacagtii wasiirradu guryaha ku dhisan jireen “Lacagtii guryaha laga dhisan jiray waa in qalabka iyo shaqaalaha la galiyo. Wax alla wixii qalab la sheegay ee wasaaradda waa naloo ballanqaaday, wax allaale waxay wasaaraddu qalab u baahan tahay waa la keenaya oo waa la dhisaya. Dayrka oo dunsan oo qaab daran waa la dhisaya, tiyaatarka waa la dhammaystiraya, FM-yo cusb baa la keenaya, idaacado cusub ayaa la keenaya, isbedelkaasi maaha mid shaqaalaha uun ah ee waa isbedel wasaaradda oo dhan ah iyo qalabka oo dhan ah,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Guri Barwaaqo.

Masuuliyiinta xukumadda madaxweyne Muuse oo madaxdii xukumaddii Siilaanyo u taqaano Kulmiyaha cusub ayaa inta badan dhalliila masuuliyiintii xilalka uga horaysay oo isla Kulmiye ah, islamarkaana ku dooda in ay wax saxayaan isbedelna ku samaynayaan nidaamkii hore oo ay u arkaan mid habacsana oo waajibaadkiisa gudanayn.

Halkan ka daawo muuqaalka wasiirka

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.