Labada Xul ee Daadmadheedh iyo Awdal, ayaa guul ka gaadhay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland

0

Hargaysa(Sayruuq):-Labada Xul ee Daadmadheedh iyo Awdal, ayaa guul ka gaadhay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobolada Awdal iyo Togdheer.

Xulka gobolka Awdal ayaa 1: 0 kaga adkaaday xulka gobolka Hawad, waxaanay ciyaartaasi labada kooxood soo bandhigeen ciyaar raaligelisay daawadayaashii ku sugnaa garoonka.

Xulka gobolka Daadmadheedh ayaa isaguna 1:0 kaga adkaaday xulka gobolka Togdheer oo martigeliyay tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland ee bariga.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.