Laba Qodob Oo Miisaan Leh Oo Micno U Samayn Kara Shirka Mucaaridka Somaliland.

0

Sidaan La Wada Socono Waxaa Mudo Soo Jiitamayay Khilaaf Siyaasadeed Oo U Dhaxeeya Xukuumada Talada Dalka Haysa Ee Xisibiga Kulmiye Iyo Labada Xisbi Mucaarid Oo Madasha Wada Tashigununa WaHeliso,

Khilaafkan Oo Marxalado Kala Duwan Soo Maray,Wajiyo Kala Duwana Soo Yeeshay,
Waxaa Arinkii Mucaaridku Iskugu Soo Biya Shubtay In Aan Laga Maarmi Karin In Isbahaysiga Mucaaridka Oo Mujinaya Inay Jirto Cudud Mucaarid Oo Ka Soo Horjeeda Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye
Ay Iskugu Imaadaan Shir Talo Qaran Ah,

Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Arinkan Ka Fal Celinayaa Ayaa Waxaa Si Cad Uga Soo Hor Jeedsaday Sheegayna In Aan Mucaaridku Awood Dastuuriya Aanay U Lahayn In Shir Talo Qaran Ah Layskugu Imaado, Ciidamada Policeka Jamhuuriyada Somalilandna Amar Lagu Siiyay In Ay Shirkaa Ka Hortagaan,

Mucaaridku Iyagoo Arimahaa  Ka Dulaya Laga Hor Imid Qabashada Shirkii Talo Qaran

Waxay Ugudbiyeen Dacwad Ka Dhan Ah Wasaarada Daakhiliyada Iyo Taliyaha Ciidanka Policeka Jamhuuriyada Somaliland Maxkamada Sare Ee Dalka,

Arinkaa Maxakamada Sare Si Sharciga Waafaqsan Waxay Go’aamo Degdeg Ah Ka Soo Saartay Iyadoo Labada Dhinac Dhagaysatay

In Mucaaridku Shirka Ay Qabsanayaan Uu Noqdo Mid Dastuurka Waafaq San, Shir Talo Qaran Ahna Aanay Awood U Lahayn Lkn Wixii Dastuurku Siinayo La Ogol Yahay Ayna Umadax Banaan Yihiin

Go’aankaana Si Isku Mid Ah Ayay u  Qaateen Labadii Dhinac Ba,

Hadaba Shirkii  Wuu Socdaa Ay Waxaas Oo Taariikh Ah  U Soo Mareen,

Su’aasha Is Waydiinta Lihi Waxa Weeyaan Shirkan Maxaa Sumcad Iyo Karaamo U Soo Jiidi Kara Uun U Noqon Karaan Mid Cudud Mucaarid Oo Wayn Ku Keenta Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadaba?

Jawaabtu Waxa Weeyi Hadii Labadan Qodob Lagaga Doodo Laguna Dhaqan Galiyo Shirkaasi In Uu Meel Mar Noqon Doon:
1. In Madasha Wada Tashiga Ay Ku Qan Ciyaan In Ay Xisbiyada Mucaaridka Ku Biiraan
2.In Cabdiraxmaan Cirro Is Casilaad Ka Sameeyo Gudoomiya Nimada Parliament ka Jamhuuriyada Somaliland.

Waa Goaan Qaadasho Adag Labadan Qodob Laakiin Waa Arin Isbadal Wayn Keeni Kara Dhinac Walba Siyaasada Somaliland Su’aalo Badana Oo Shacabku Mucaaridka Ay Waydiiyaan.

Freelance Journalist: Maxamed Mahdi Maxamed
Ku Nool: Qatar Doha
Email : Ibnumahdi143@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.