Laba Qaawani Isma-Qaado- Doon Qaxooti Ka Keentay Dalka Yemen Ee Maalmahan Berbera Ku Xanibnayd Oo Shalay Rarkii Laga Rogay Iyo Xukuumadda Oo Xadhig Iyo Ganaax Iskugu Dartay

0

Berbera (Sayruuq) – Doon Qaxoonti ka keentay Dalka dagaaladu ka socdaan ee YEMEN oo siday 55-Qoys Oo Qaxoonti ah ayaa todobaadkii u dambeeyay ku xanibnayd Marsada Berbera,waxaana sida la sheegay Xukuumadda Somaliland shalay ogolaatay in Dadkaasi Qaxoontiga ah la dejiyo,iyadoo Naakhuudihii doonta Waday iyo Masuulkii Wakiilka ahaa Doonta Xadhig iyo Ganaax la iskugu daray.
Warar Madax Bannaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay inay shalay Xukuumaddu ogolaatay in Dadkaasi qaxoontiga ee maalmihii udambeeyay ku dul xarbiyay Badda laga dejiyo Doonta,waxaanay Wararku intaasi ku dareen in Ninkii doonta ka masuulka ahaa ee waday laxidhay,halka Doontii Lacag Ganaax lagu xidhay.Masuuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee Gobolka Saaxil,Taliyaha Laanta Socdaalka Berbera Iyo Maamulka Gobolka Saaxil ayaa sida la sheegay ku dooday inay fuliyeen Amar uga yimid Dhinaca Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland ee fadhigoodu yahay Magaaladda Hargeysa,Kuwaasi sida la sheegay amar ku siiyay maamulka Gobolka inaanay Qaxoontigaasi dhaadhicin oo aanay doonta ka rogin.
Wararkan ayaa intaa ku daray in Naakhuudaha donta waday markii hore lagu amray inuu dadka qaxootiga ah celiyo balse wuu ka dhega adayga kadib markii ay dadkii qaxootiga ahaa ee doonta saarnaa ka qeyliyeen in lagu Celiyo dalkii ay uga soo qaxeen dagaalka. Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay wakiilkii doonta oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Dheere oo lagu haysto sidee doonta aad wakiilka utahay usoo qaadaa dad qaxootiya, iyada oo sida la sheegayo Xukumada Somaliland hore ushaacisay inay joojisay qaxootiga dalka Yaman kasoo qaxaya sababo la xidhiidha haayado dhaqaale u haya oo aan dalka joogin iyo arimo kale. Sharciga Caalmiga ah ee Caalamka ayaanay meelna kaga oolin in dad qaxootiya oo magan galyo doona lagu hayo bad guudkeed,dadkan doonta saaran ayaa dhamaantood ah dad udhashay dalka aynu jaarka nahay ee YEMEN, waxaanay ka kooban yihiin sida la sheegay 50 Qoys.
Doontan Qaxoontiga ah ayaa ku soo beegmaysa Wakhti abaaro ba’ani ka taagan yihiin Gobolo ka tirsan Somaliland waxaanay u egtahay joojinta Doontaasi loo diiday inay Dadka Qaxoontiga dhaadhiciso Amar ay u dhan yihiin Masuuliyiinta Xukuumadda Ugu sareeyaa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.