Laascaanood: Shufto Hubaysan Oo Watay Gaadhi Uu Leeyahay Wasiiru Dawle Hore Uga Falaagoobay Somaliland Oo Booyad Shidaal Rasaas Ku Furay

0

Laascaanood (Sayruuq) Koox hubaysan ayaa jidgooye ugu galay booyad shidaal duleedka magaaladda Laascaanood ee xarunga gobolka Sool. waxaana khasaare soo gaadhay Booyadaas.

Kooxda jidgooyada sameeyey ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Khaatumo ee ka soo horjeeda Somaliland, isla markaana ku sugan deegaano u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo watay baabuur uu leeyahay wasiirka amniga ee Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaa gudoomiyihii SSCD (Somaliland, Sinnaan, Caddaalad iyo dimuqraadiyad SSCD)

Wargeyska Warsugan oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool ahna ku simaha gudoomiyaha Md Cabdirashiid Xirsi Dalmar ayaa yidhi “Gaadhi laankuruus ah oo ilaa todoba nin saaran yihiin ayaa wax gaadhsiiyey, gaadhiguna booyad ayuu ahaa oo xagan ayuu u soo socday oo xaga magaaladda Laascanood ayuu u soo coday, gaadhiga muraayadda hore ayay xabadi kaga soo dhacay, wax khasaare ahina kama dhicin oo booyadiina halkan (Laascaanood) ayey hadda joogtaa”

Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shidaal ayey soo doonatay oo xaga Barbera ayey u socotay, cidna waxbay kumay noqon, markaa sidaas ayey ahayd xaaladeedu”

Ku sime Cabdirashiid Xirsi Dalmar ayaa sheegay in gaadhiga jid goo

“Gaadhigaasi waxa sameeyey waa gaadhigii Kayse Cabdi Yuusuf oo meel halkana oo qudhac hoosteed ah wasiirka amniga iyo waxaas ka ah”

Gudoomiyaha oo waanu wax ka waydiinay qaabka ay shuftadaasi jidka ugu galeen booyadda ayaa sheegay in aanay dhanka Somaliland soo marin ee ay ka soo weerar tageen dhinca Khaatumo iyo Puntland, waxaanu sheegay in goobta jid-gooyadu ka dhacay ay u dhawayd fadhiisinka ciidamada qaranka ee Gambadho.

Ugu dambayntii gudoomiye xigeenka gobolka Sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar oo aanu wax ka waydiinay xaaladda guud ee gobolka ayaa sheegay in guud ahaan amniga guud degan yahay, isla markaana aana uu wax la qabo is badalka xaladeed ee aduunka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.