Laascaannood:-Toddoba Ruux oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Daba-taag

0

Hargaysa(Sayruuq)-Ugu yarraan Toddoba Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalenna way ku dhaawacmeen, kadib markii uu  dagaal dhex-maray beelaha walaalaha ah ee  Bahrarsame iyo Qayaad.

Labaddan beelood ayaa ku diriray meesha loo yaqaanno Dabataag oo koonfur kaga beeggan Degmada Laascaannood ee xarunta gobolka Sool, waanna halkii uu dhawaan Raxmaadku ka da’ay oo ay Xoola-dhaqatadda labaddaas beelood iskugu yimaaddeen, isla markaanna ay Dirirtu ku dhex-martay barqaddii hore ee maanta.

Sidoo kale, shaqaaqaddan labadda beelood ee Bahrarsame iyo Qayaad waxay iska dileen 31 Geella, iyaddoo marar hore oo kala duwanna ku dagaalamay deegaannada koonfur ka xigga magaalada Laascaannood.

Marka laga yimaaddo Dirirta maanta oo sida naloo xaqiijiyay ka dhalatay Daaqa iyo Biyaha ay beelahaas Walaalaha ahi iskugu yimaaddeen, ayaa haddana, waxa jira Warar sheegaaya in abaabulka iyo isku soofaynta labaddaas beelood ay gacmo kale ku dhex jiraan, waa sida ay noo xaqiijiyeen Ilo Warreedyo ay Warbaahinta Hadhwanaagnews la xidhiidhay, hase yeeshee waxay ka gaabsaddeen inay farta ku fiiqaan cidda ay u tuhmayaan inay  ka danbayso  isku soofaynta beelahan Walaalaha ah oo tiraba dhawr jeer oo hore uu dagaalo dhex-maray.

Wasiirka ammuuraha guddaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaan ilaa hadda ka hadlin Dirirta dhex-martay beelaha walaalaha ah, iyaddoo weliba deegaanka  Shaqaaqaddu ka dhacday uu ka soo jeeddoo Wasiirka Faratoon, manna jirto wax gurmad ah oo Xukuumaddu waddo oo lagu kala cayminnaayo.

Si kastaba ha ahaatee wali way is hor fadhiyaan labaddii beelood ee dagaalku dhex-maray, lamanna saaddaalin karro caawa iyo berri sida ay xaaladdu isku bedeli doonto.

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.