“La Dagaalanka Shabaab Ayaan Somaliland Kala Hadlay”

0

“La Dagaalanka Shabaab Ayaan Somaliland Kala Hadlay”

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb Ben Fender ayaa sheegay in uu Somaliland kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab iyo muranka xisbiyada ee dhanka doorashooyinka oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo wakhti dheer dib u dhacsan.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ku yidhi “Waxaan ka soo laabtay saddex maalmood oo Hargeysa ahaa, Madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha, Komishanka iyo Xisbiyada waxa aan kala hadlay la dagaallanka Alshabaab, horumarinta in sharcigu sarreeyo, ka jawaabidda abaaraha iyo taageeridda koboca,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ben Fender.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka waxaanu sheegay in xisbiyada looga baahan yahay xal degdeg ah si hore loogu socdo. waxa uu tilmaamay in ay wakhti dheer tahay in aanay doorasho qabsoomin 14 sannadood( doorashadii wakiillada ee u dambeysay oo ahayd 2005-2019).

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.