Kuma Ayuu Ahaa Weriyihii ugu Muddada Dheeraa ee Kasoo Shaqeeya Laanta Af Soomaaliga Ee BBC-da Oo Shalay Lixdan Jirsatay?

0

HARGEYSA:  Xaflad Ballaadhan Oo Shalay Lagu Xusay  Markii U horreysay ee La Bilaabay Baahinta Laanta Af-soomaaliga Ee BBC-da

Hargeysa (Sayruuq) –  Markii ugu horeysay laanta Af Soomaaliga ee BBC ayaa hawada soo gashay shalay  oo kale siddeed iyo tobankii bisha July  sannadkii 1957- waxaana barnaamijkii ugu horeeyay kasoo tabiyay daartii Bush house ee London allaha u naxariistee Xaaji Cabdi Ducaale. Wixi intaasi ka dambeeyayna waxaa si weyn u kordhayay dhageystayaasha BBC Somali oo gaadhay 3.6 milyan oo qof isbuucii, kuwaasi oo kala socda BBC-da qeybaheeda kala duwan sida raadiyaha, onilenka iyo telefishinka. Xafladda ugu ballaadhan ee dabbaaldegga waxay ka dhacday magaalada Hargeysa gaar ahaan xarunta Hidda Dhowr halkaasoo oo barnaamijka Dunida iyo maanta ee BBC-da is toos ah looga soo tebiyey.

Dabaaldega sanadguurada 60 aad ee BBC Somali ayaa waxaa lagu daahfuray abaal marintii ugu horeysay abid ee dhanka suugaanta ah oo loo qabto duamrka da’ada yar ee gabya. Waxaa ku guuleystay Deeqa Nuux Yoonis oo ah gabadh 23 sano jir ah oo ku nool magaalada Hargeysa. Tartanka suugaanta ayaa waxaa uu u furnaa in ay ka qeybgalaan dhamaan gabdhaha da’doodu ay u dhaxeyso 16-ka ilaa 35-ka, iyada oo aan lagu xidhin khibradooda iyo halka ay ku nool yihiin.

Balse tartanka ayaa waxaa shuruud u ahaa oo keliya in gabeyga lagaga qeybgalayo uu yahay mid gabadhu ay curisay oo iyadu leedahay. Inka badan boqol gabdhood ayaana codsiyadooda soo dhiibtay ilaa iyo haatan. Gabyaaga ku guuleysta abaalmarinta ayaa si toos ah BBC-da looga sii deyn doona  idaacaddaa.

_96987629_cabdullahixaajisawir

Soomaalida ayaa qani ku ah gabeyga, BBC Soomaalina waxa ay rejeynaysaa in abaalmarintan ay sare u qaadi doonto aqoonta jiilka cusub ee Somaliyeed iyo sidoo kale kobcinta gabdhaha da’da yare ee ku taxan dhageysiga BBC Somali.

Si loo xuso 60-guurada Laanta Afka Soomaaliga, waxaa la sii daayay barnaamijyo gaar ah guud ahaan isbuucan.

BBC Soomaali waxaa la furay 18-kii Luulyo ee sanadkii 1957, waxayna haatan gaadhaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee caalamka oo dhan oo ay kala hadasho Telefishanka, online-ka, warbaahinta bulshada iyo Raadiyaha oo ah halkii hawshu ka bilaabatay.

Caroline Karobia, oo ah tifaftiraha xilka sii baneyneysa ee BBC Soomaali waxay sheegtay” Waxaan gaadhnay 60 sano oo aad u wanaagsan ee warbaahineed waxaana aan sameynay horumar badan si aan ula jaanqaadno dhegeystayaasheenna. Tani waa waqti farxadeed ee BBC Soomaali telefishinka dhowaan la furayna waxaan doonaynaa inaan ku xidhnaanno dhegeystayaasheenna mustaqbalka.”

BBC Somali waxay qayb ka tahay BBC-da caalamka dibadda la hadasha ee World Service, waana tan loogu dhegeysi badan yahay idaacadaha caalamka ee Soomaalida la hadla. Waxay la hadashaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla, oo ay wararka u mariso raadiye, online, iyo telefishin ee Afrikada bari, Geeska Afrika iyo Soomaalida ku nool caalamka oo dhan. Waxay toddobaadkii gaadhaa afar milyan oo qof. BBC Soomaali waxay dhowaan bilawday barnaamijkeeda telefishinka cusub oo heer sare ah -faahfaahinta waa halkan waxaana kaloo laga heli karaa Twitter, Facebook iyo Instagram. BBC Mobile App

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.