KULMIYIYO Midkii Dhaca Waddani, Dhiig-kar Waw Halise!

0

Waa la tartamayaa, cid guushu raaci doontana Alle ayaa og. Xagjirka WADDANI iyo KULMIYE waan u baqayaa. Waan hubaa in midkood dhacayo. Sidaynu u aammusiinnaa? Dhiigkarka ma laga hor tagaa? Ma laga yaabaa in ay qaar maryaha dhigtaan?.

Xitaa aad guulaysato oo uu walaalkaa gabbal-baasi u dumo miyaanu jiidhku kugu oollin? Sidee xisbiga dhaca tiiraanyada loola qaybsanayaa? Sidee tacsida loogu tebinayaa?. Waxa aan Eebbe ka baryayaa in aanay niyad-samida bulshada waxyeello gaadhin.

UCID laba jeer oo horena doorashada madaxtooyada way ku dhaceen, imakana hambalyada waa la diyaar. Codkii ugu yaraa ayay filayaan. Dee marka horeba murashaxnimo ay soo dhaceen ayay la shir yimaaddeen. Iyaga waxba kama dhul yaallaan.

Wuxuu yidhi:

Dhinacyadu hadday loollameen, guusha loo dhalaye
Dheereeyee maantuu lib helo, goolna soo dhaliyo
Dhanka laga adkaadaa judhay, dhiifta marayaane
Dhawaaq farax-li qaar buu ku yahay, dhaawac iyo ciile
Doorashada xisbiga dhaadhacaa, dheefta wuu niciye
KULMIYIYO midkii dhaca WADDANI, dhiig-kar waw halise
Ololaha kuwii dhaadan jiray, been horlay dhuriye
“Wax is-dhaafin baa lagu shubtee, la ima dhaafeene
Guddidaan dhex noo noqonnin baa”, lagu dhawaatayne
Dharaaraa la shubayaa wax aan, dhumucda buurnayne!

Laba goor mid soo dhabar-jaboon, dhuuman baa jira’e
UCID dhaaxa waa tii baray, dheesha riiqda lehe
Dhibba may lahaateen haddii, Faysal dheelliyo’e
Guul-darrada nimaan hore u dhamin, dhaanjar waw tahaye
Waxa hebel u dhiman baa la yidhi, dhaarta oo qudha’e
Haddii Muuse dhiidhiga ku hadho, dhegi ma seexdeene
Dhambaalkii ‘horaa loo socdaa’, dhaygag baa xigiye
Dhammihiyo haddii Ina Cirrana, dhacanta loo jiido
‘Rejadii shacbigu’ dhawrayeen, way ka dhidhaysaaye

Dhirbaxaada mudduu kii jabaa, dhabanka sii hayne
Naxdintana jirraa lagu dhuftaa, kaan dheg jalaq siine
Dhugatiyo macaan iyo kolkuu, dhololku saamayso
Dhakhtarkuba inuu buuxsamaa, lagu dhawaadaaye
Waayadan hadduu dheli-sacluhu, dhararaqlaynaayo
Inta ay dhilmaan buu jidhkuba, dhuubni weyd noqone
Yididiiladaa dhimatay bay qaar, u dhaadhiciye
Inuu dhimirku duul kale ka tago, dheehday maalmahane

Waxaasoo dhibaato ah shacbigu, wuu dhursugayaaye
Dhinacyada tartamayaa Allow, yay maryaa dhigine
Qalbiyada inaad noo dhaydaa, noo dhag noqon layde
Wixii iga dhantaalmaan wadnuhu, dhaafi karahayne
Dhega iyo intaan huunnadiyo, dhiiftu tiro-beelin
Caafimaadka Eebbow u dhawr, dhooqo yay marine

Iyadoon dharkayn iyo la marin, dhirindhir jaahooda
Oo aanay dhaayuhu wax noqon, lagu dhawaaqaaye
Dhugtan-li’i Allow khaatumada, lagu dhammeeyaaye
Sida loo dhabqinayaan haddeer, khayr ka dhalanayne
Dhufaysyada qaybiilkay qoteen, uunki kala dhoofye
Dhudihiyo jidhkii waaxyahay, kala dhaqanteene
Allow nabadqab ugu dhiib midkii, talada loo dhiibo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.