Kulmiye oo Kulan xasaasiya yeelanaya

0
Xubin Laga Reebay Liiska Musharraxiinta Kulmiye

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu yeesho kulan xasaasi ah oo lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha mustaqbalka Xisbigaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xisbiga Kulmiye oo la xidhiidha ujeeddada kulankan Xisbigu yeelanayo, hase yeeshee sida ay xaqiijiyeen warar xogogaal ahi Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye, Hoggaanka sare ee Xisbigaasi iyo Xubno muhiim ah oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in ay kulankan ka qayb galaan, kaas oo ka dhici doona xarunta Xisbiga Kulmiye.

Kulankan oo lagu wado inuu ka qayb galo Guddoomiyaha Xisbigaasi ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la filayaa in lagaga hadli arrimo la xidhiidha Mustaqablka Kulmiye, dardar gelinta hawlaha Xisbigaasi horyaala iyo wakhtiga ay suurto gal tahay in Xisbigaasi qabsato Shirkiisa Golaha dhexe.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu xubnaha Hoggaanka iyo Guddida fulinta inuu la wadaago go’aan uu dhawaan qaatay oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay wareejinta Xisbiga Kulmiye iyo qaabkii arrintaas loogu diyaar garoobi lahaa.

Sidoo kale Shirkan Guddida Fulinta ayaa qodobada kale ee lagu soo qaadi karo waxa ka mid ah sidii loo magacaabi lahaa Xoghayaha guud ee Xisbigaasi, ka dib markii Xoghayihii hore shaqo la joojin lagu sameeyey iyo weliba u diyaargarowga hawlaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta.

Saleebaan Saxansaxo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.