Kulmiye Oo Dhalliilay Go’aammadii Gacan-libaax

0
Kulmiye Oo Dhalliilay Go'aammadii Gacan-libaax
Sawir hore: Salaadiinta Garxajis oo shirkii Gacan Libaax fadhida

Kulmiye Oo Dhalliilay Go’aammadii Gacan-libaax
Iyada oo laga sugayay in xukuumadda Kulmiye fuliso go’aammadii ka soo baxay shirkii beelaha Garxajis ku qabsadeen buurta Gacan-libaax ayaa xisbiga Kulmiye waxa uu go’aammada shirkaasi ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee shir beeleed ka soo baxa.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in aanu waligii arag go’aammo noocaas ah isaga oo u jawaabayay Dr Gaboose oo xukumadda dhalliilay waxa uu yidhi “Wuxuu ka mid ahaa Gaboose raggii Gacan-libaax abaabulayay ee go’aammada aadka u khaldan ka soo saaray. Waligay ma arag shir ay beel Soomaaliyeed(Somaliland) ku shirto oo aanay Somaliland ku taageerin shirkii ugu horeeyay ayuu ahaa,” Sidaas ayuu yidhi masuulkan u hadlay xisbiga Kulmiye.
Haldoorka Beesha Garxajis Oo Madaxweyne Biixi La Kulmay
Waxa uu hadalkiisu imanaya xilli bulshada ku shirtay Gacan-libaax wali naawilaysay in wax laga qabto qodobo dhawr ah oo shirka ka soo baxay kuwaas oo ay xukumada Kulmiye kaga codsanayeen arrimo ay ka mid tahay saami qaybsiga iyo caddaaladda dalka in la hagaajiyo.
“Gaboose Ayaa Lacagta Ugu Badan Caarre Ku Bixiya,” Kulmiye

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.