“KULMIYE Markii Lagu Yidhi 80 Cod Ku Dhaqaaq, Labada Xadhig Ee Ugu Waaweynaa CIRRO & FAYSAL baa Nagu Xidhay, Iyagana Maanta Waxa Laga Rabaa…”

0

Burco(Sayruuq)– Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo socdaal is muujin iyo dhoola-tus ah ku maraya gobollada bariga Somaliland, ayaa shalay khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbigaasi ee Magaalada Burco, waxaanu sheegay in 26-ka bisha June oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweynuhu aanay dalka wax dhibaato ahi ka dhici doonin isla-markaana Madaxwaynuhu si sharciya dalka u soo hoggaamin doono.

Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa sidoo kale ka hadlay duruufihii Mucaaradnimo ee uu xisbiga KULMIYE soo maray iyo siyaalihii uu uga soo gudbay mushkilado siyaasadeed oo uu xukuumaddii Daahir Rayaale hor dhigtay, isagoo taasi ugu soo hal qabsanayey hoggaanka xisbiga WADDANI oo uu sheegay in isagoo aan weli dhibaato la kulmin isla-markaana aan weli doorasho laga helin uu haddana deg-degayo, hasa-yeeshee looga baahan yahay inuu u dul-qaato wax kasta oo danta oo danta dalku ku jirto.

Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI wuxuu yidhaahdaa KULMIYOW waxaad samayn jirteen baanu samaynaynaa, KULMIYOW ha iloobina sidaad ahaydeen markaad Mucaaradka ahaydeen. Maxaanu samayn jirnay, doorashadii u horeysay inta la galay baa la yidhi 80 cod ku dhaqaaqa, kulmiye isagoo dalkeena iyo danteena xeerinaya ayuu ogolaaday, labadii nin ee maalintaa garba duubka noo xidhay ee yidhi danta Qaranka dhaafi maysaan waxay ahaayeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal, wayna ku mahadsanaayeen, waayo tolku waa inuu ku ladqabeeyaa oo aad heshaa cid ku qabata, way na qabteen wakhtigaa, Kulmiyena wuu ogolaaday, iyagana maanta maxaa laga rabaa (Inay ladqabada ogolaadaan)…”

Guddoomiye Muuse oo sii hadlaya ayaa sheegay “Qodobka labaad, Kulmiye oo mucaarad ah ayuu wakhtigii doorashadu dhacay (Xiligii UDUB) markaasaa la yidhi waa loo kordhinayaa ee KULMIYE qabow oo waa lana garba duubay, labada xadhig ee ugu waaweynaa Cirro iyo Faysal baa nagu xidhay..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isagoo dibaaqaya buuq iyo qaylo ay taageerayaasha WADDANI ku rabisheen soo dhaweyntii hoggaanka KULMIYE “Xisbiga WADDANI hadduu ugu bato waa saddex jir, isagoo aan weli doorasho dirqi lagaga helin, isagoon maalin qudha la odhanin fadhiiso ayuu karayaa oo uu halkaa (Burco) nagaga lahaa KIR KIR, markaa saaxiibadeydii halkan Cawaale Sukhaar (Suuq ku yaalla Burco) nagaga lahaa KIR KIR waxaan leeyahay miyaad iska daysaan KIRTAA UDUB baa eeday oo la waayee..”

Muuse Biixi, oo mar kale hibanaya kalmadda KIR ee taageerayaasha WADDANI kaga yidhaahdeen badhtamaha Magaalada Burco, ayaa mar kale yidhi “Qolada WADDANI waxaan leeyahay KIR KIRTAASI halkii UDUB martay bay idinla mari doontaaye wax kale dayda…”

Guddoomiyaha KULMIYE, waxa kale oo uu ka hadlay “Xisbiga KULMIYE wuxuu bulshada Somaliland wuxuu u xaqiijinayaa oo uu u ballan-qaadayaa in 26-ka bisha June uu qaranku sidiisa ahaanayo oo wax khalkhal iyo dhibaato ahi ku dhacaynin ILAAHAY idamkii, ninna cabudhin maayo nin kale ee dastuurka ayaa sidaa dhigaya. Haddii 26-ka doorashadu dhici waydo dawladdu way jireysaa, Madaxweynuhu wuu sii joogayaa, xoog ku joogi maayo ee sharci iyo dastuurka ayuu ku sii joogaayaa, sharciga cid ka weyni ma jirto. Mucaaradka xaqooda ayaa la siinayaa, laakiin laga ogolaan maayo sharcigaan duminayaa….” Ayuu yidhi.

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.