Kulankii Xoghaye Maxamed Dirir iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Ka Hor Iscasilaaddaydii 19 December 2017

0

Shalay (Dorraad) subax abbaaro 7:00 subaxnimo waxanu kulan quraac ah isugu nimid Guddoomiyahaygii Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) hoteelka SKY ee ku yaalla xaafadda Masallaha, kulankani wuxu ahaa mid gaar noo ahaa aniga iyo Guddoomiyahayga oo aanu u ballansanayn maalin ka hor.

Waxanu ka sheekaysannay arrimo u badnaa taariikhdii aanu isla soo marnay sannadadii faraha badnaa ee aanu soo wada-shaqaynay, oo ay ka mid ahaayeen wakhtigii Xisbigii UCID, Aaasaaskii Urur-siyaasadeedkii WADDANI, Halgannadii kala duwanaa ee Xisbiga WADDANI.

Is-waraysi dheer iyo kaftan kadib waxan Guddoomiyahayga xasuusiyey in aan hore uga codsaday inaan ka tago Xilkii Xisbiga aan u hayey mar ay taariikhdu ahayd March 2017, wakhtigaas oo Guddoomiyahaygu iga diiday xil-ka-tagista igana codsaday inaan shaqada sii wado inta laga gelayo Doorashada Madaxtooyada JSL oo ku beegnayd November 2017. Intaas kadib waxan kulankayagan shalay kaga codsaday mar labaad inuu iga aqbalo xil-ka-tegistayda aan dalbanayo maanta oo taariikhdu tahay 19 Dec 2017.

Guddoomiye Cabdiraxmaan isaga oo ii sheegay inuu jeclaan lahaa inaan siyaasadda kusii garab-taagnaado haddana wuxu iga aqbalay codsigaygii xil-ka-tegista ahaa, wuxu iiga mahadnaqay muddadii dheerayd ee aanu soo wada-shaqaynay, isaga oo iga guddoomay warqadda iscasilaadda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa naga dhaxaysa ehelnimo iyo wanaag faro-badan, kaas oo aan dhamaad lahayn, kaliya waxan ka baxay Xisbiga WADDANI oo aan muddo-dheer ka tirsanaa isla markaasna aan soo galiyey wixii tacab iyo dedaal suurogal ii ahaa muddadaas.

Kulankani wuxu ahaa ka hor Iscasilaaddaydii

Maxamed Dirir

Xoghayihii hore ee Guddoomiye Cirro

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.