Kulankii Aniga Iyo Siilaanyo: Madaxweyne Adigaa Igu Yidhi! Qalinka: Barkhad M. Kaariye

0

Waxay ahayd goor fiidnimo ah, inta qof ee isweydaarnaysay waxay marag u ahaayeen in goobta uu ka socday olole xooggan oo qasdigiisa laga midaysnaa. Haddii cabbaar la sugayay, ayuu meel halkeer ah ka soo muuqday. Shaadh midabkiisu buluug yahay oo inta badan caado u ahaa in uu xidho iyo macawis, ayuu gashanaa. Wallow uu u muuqday in uu ballamo badan lahaa, haddana kama madhnayn oo wuxuu diyaar u ahaa in uu fuliyo ballan uu ila galay wakhtigaas oo aan ka socday Wargeyska Ogaal oo ahaa inuu u waraysi I siiyo.

Meel barxad ah oo u ekayd in loo sii diyaariyay in waraysiga lagu qabto, ayuu saddex kursi oo yaallay mid ka mid ah oo meel gaar ah la dhigay ku fadhiistay, labada kursi ee kale ayaa meel halka uu fadhiistay ka soo horjeedda la dhigay. Waxay dhinaca shishe ka yaalleen miis aan ballaciisu waynayn, balse tiigsi laysu gaadhi karayey qofka dhinaca kale ka soo fadhiya. Inkasta oo dad kale sugayeen, haddana wuxuu si deganaansho leh u muujiyay in uu diyaar u yahay waraysiga. Wakhtigaasi waxay ahayd 05/05/2010.

Waraysiga aan la yeeshay guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee wakhtigaa, imika na ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo wuu dhinacyo badnaa. Wuxuu taabanayay sooyaal badan iyo timaaddo la hillaadinayay wakhtigaas oo qaarkood imika aynu soo dhaafnay amma la arkay oo aan wax ka waydiiyay. Masuulkani xilligaa uu ii waramayay erey kasta oo uu I lahaa waxa ka muuqday rejo iyo nayaayiro niyad-samaani ku dheehan tahay. Wuxuu in badan ku taamayay in wax badan uu qaban doono, wax badan beddeli doono, wax badan na sixi doono. Macnahaygu maaha waxba ma qaban, saa way jiraan wax badan oo uu qabtay.

Intii uu waraysigaasi socday waxa hadalkiisa dhextaal u ahaa oo uu mar walba cuskanayay erayga DANTA UMADDA IYO BULSHADA, sidaasi oo ay tahay, ayaan waydiiyay; haddiiba aad talada dalka ku guulaysato, ma ku kalsoon tahay in inta kugu xeeran iyo la-taliyayaashaadu aanay ku marinaynin jidka ay had iyo jeer maraan madaxda afrika ee talo-seegga ah. Wuxuu iigu jawaabay, “Wakhtigaa anigu aan maanta joogo, anigoo intaasoo waay-aragnimo ah leh oo da’daa maanta jooga, aad wax ka dhaqatid, aad wax ka cuntid, aad wax boobtid iyo aad wax xukuntid midna meesha uguma socdo, waxaan u socdaa inaan dalkayga iyo magacayga taariikh uga tago.”

Waxa xusuustaa lix sanno ka hor dib iigu celiyay maanta ee uu isaguna ballan-qaadyadiisa ka mid ahayd, waxba kamaad qaban. Madaxweyne adiga iyo ku-xigeenkaagu Cabdiraxmaan-Saylici, waxaad in badan ku ololeyseen oo aad meel walba sudheen ‘UDUB WAY TEGAYSAAYE, HA TAHRIIBIN WALAAL.” Haddaynu dib u tirino inta dhallintii u kici lahayd dalkan ku qaraqmay badaha intii Xisbigaagu talada hayay, hubaal waxa ah inaanay sabab kale iyo si kale toona innagaga dhiman. Madaxweyne, magaca iyo taariikhdaa aad doonaysay kuwaad ka dhaxli lahayd ayay ka mid yihiin da’yartan badaha ku le’ahaysaa! Guryo badan oo Somaliland ah ayaa maanta ay tacsi taallaa. Hooyo, aabbo, walaal iyo ehel ayaa maanta ooyaya oo ka murugaysan sida inankoodii, inantoodii amma caruurtoodii u dhimatay. May dooran ilmada iyo murugada, adiguna umaad doorin madaxweyne, waxase meesha ka muuqda xil la gabay, cid gabtay ba. Ma illowsani in madaxweyne aad magacowday guddida ka-hortagga iyo la-dagaallanka tahriibka, waxaanse hubaa oo aad adiga iyo xukuumaddaadu ba ila ogtihiin in aanay ka duwanayn guddiyadii kale ee tirada badnaa ee aad magacowday. Akhriste, waa laga yaabaa inaad is-odhan karto amma aad leedahayba, Barkhad ma mucaarad baa..Haasha’, qoraalkan kuma metelo garab siyaasadeed iyo inta kale ee aan Kulmiye-ba dhaamin ee ku hirdamaya siyaasadda, waxaanse gudbinayaa dareenka da’yarta iyo inta u damqatay masiibooyinka ubaxeena ku habsaday. Inta wax kale indhahoodu akhriyaan amma sida dukhsiga nabar iyo wasakh ay walaaqdaan uu qoraalkaygan uga dhex muuqdaan, uma socdo. Waan ku kalsoonahay in intaasi ay fahansan yihin in qoraalkani aanay iyaga u socon ee uu yahay qoraal u socda TALIYE, kana socda LOO-TALIYE!

Waan ogahay oo in badan oo aanay baahi eryaysaa jirin baa tahriibta, waxa se ka badan inta waayaha ku gedaamani ay kallifeen inay suudaalaan. Rejada ayaa u weyn waxa qof bani’aadam ahi ku noolaado, ma hayaan da’yartani. Dhallintani iskama dhaqaaqaan ee cid baa jirta ku dhalisa amma u fudaydisa inay beerka u dhigaan belaayada ay ogyihiin ee tahriibta. Da’yarta dhimatay waxa ka badan inta maanta magaalooyinka dalka ka baxaya ee u xidh-xidhan masiibadaas tahriibka. Waxa ka sii badan inta jidka ku sii surbacaadaysa amma ku balanbalaysa dalalka kale ee Itoobiya, Suudaan, Masar iyo dalal badan oo kale. Madaxweyne, ma kula tahay in kuwaasi u baahan yihiin badbaado? Haa, waan ogahay oo aad ogtahay inay u baahan yihiin ee yaa qabanaya? Madaxweyne, magacaad sheegtay inaad doonayso iyo taariikhdaad ka tegi lahayd ba, yaa dabadaa ka hadli doona haddii Ubixii dalku sidan ku dhammaado? Wa’ayo cidda sumcaddaad sheegtay sheeg-sheegi doonta ama loo sheegi doonaa haddii ay sidan wax u socdaan? Guddidii aad magacowday halkay ku dambaysay? Madaxweyne, waa hubaal in dillaaliinta da’yartu magaalooyinka joogaan, waxase loo baahan yahay ficil. Waxa badan inta tahriib ka soo noqotay ee taqaanna halkay mareen iyo cidda caawisay ee magaalooyinka joogta, kuwaas ayaa u baahan in la hawlgeliyo, si silsiladdan loo dabar-jaro.

Barkhad M. Kaariye

Kaariye104@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.