Kulanka Biixi Iyo Mucaaradka Oo Lagu Kala Kacay

0
Kulanka Biixi Iyo Mucaaradka Oo Lagu Kala Kacay

Kulan ay maanta ku yeesheen madaxtooyada Somaliland madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah laakiin, ma cadda waxyaabaha dhinacyadu isku diideen.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ayaa hadda shir ku leh xarunta xisbiga UCID waxaana la filaya in ay saxaafadda la hadlaan inkasta oo la filayo in guddida dhexdhexaadintu mar kale arrinta soo faro geliso.

Madaxweyne Biixi ayaa laga filayay in uu kala diro guddida doorashooyinka cusub ee lagu muransan yahay si loo hawl galiyo Komishankii hore ee doorashooyinka.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.