Kulan Siyaasadeed Gaar Ah Oo Dhex Maray Odayaal Kasoo Kala Jeeda Beelaha Sacad Muuse Iyo Ciidagale Iyo Ujeedada Uu Daarnaa!

0

Su’aalo Ka Taagan Sida Ay Isu Qabanayso Laba Musharrax Oo Labadan Beelood Kasoo Kala Jeeda Oo Sharraxan Iyo Taageerada Mid Ka Mida Lagu Dhisayo

Hargeysa (Sayruuq)- Kulan siyaasadeed gaar ah oo Khamiistii dorraad ku dhex maray Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa xubno isugu jiray odayaal, siyaasiyiin iyo madax dhaqameed ka kala socday beelaha Sacad Muuse iyo Ciidagale ayay bulshadu su’aalo badan iska waydiinaysay saacadihii lasoo dhaafay kaasi oo aan ujeedadiisa uu daarnaa wali xogo sugan oo rasmi ah laga hayn.
Inkasta oo aan kulankaasi xog rasmi ah laga soo saarin warbaahintana loo soo ban dhigin haddana dadkii goob joogga ahaa ee kulankaasi ku sugnaa ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in uu ahaa kulan siyaasadeed gaar ah oo daarnaa sidii deegaamada ay labadan dhinac kasoo kala jeedaan isaga kaashan lahaayeen doorashooyinka soo socda ee la filayo sannadka dambe ayaa haddana labada dhinac is waydaarsadeen hadalo ay isku beer laxawsanayeen inkasta oo arrinka layaab leh ee in badan su’aalaha dhaliyey noqonayso in labadan reer ee kulankan isugu yimid ay kasoo kala jeedaan Laba Musharrax oo kala hogaaminaya labada xisbi oo kala ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Injineer Faysal Cali Waraabe.
“Kulankan waxa maanta isugu yimid odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha Ciidagale iyo Sacad Muuse waxaanay labada dhinac isla qaateen in ay iska kaashadaan sidii ay doorkan u dhisi lahaayeen Musharrax reer Hargeysa ah” sida waxa yidhi mid ka mid ah dadkii kulankaasi ka qayb galay oo warbaahinta la hadlay.
Waxa iyana arrin hal xidhaale ah noqonaysa iyada oo laba musharrax oo tartamayaa kasoo kala jeedaan labadan beelood haddana sababta keenaysa in ay isugu yimaaddaan kulan ay ku wada xaajoonayaan oo ku midaynayaan danahooda siyaasadeed taasi oo ah mid aan sax u ahayn sida muuqaal ahaan loo baahiyey nuxurka kulankaasi.
In badan oo dadkii ka ag dhawaa kulankaasi ah ama la socday waxa ay sheegeen in uu ahaa mid ujeedadiisu tahay sidii loogu taageeri lahaa mid ka mid ah labada musharrax ee labadan beelood kasoo kala jeeda taasi oo meesha ka saarsay rasmi ahaanin beel ka mid ah labadan beelood musharraxooda u ahayn daacad iyo in ay dhisaan balse qorshuhu ahaa in ay taageero ugu muujiyaan musharraxa beesha kale ka soo jeeda.
Si kastaba ha ahaatee in badan dadka siyaasadda indho indheeya ayaa sheega in Musharrax Faysal Cali Waraabe aanu daacad ka ahayn in uu mar saddexaad si daacad ah u tartamo balse qorshihiisu kaliya yahay sidii uu ual degi lahaa Musharraxa xisbiga kale ee Mucaaridka ah oo ay xafiiltan culus oo siyaasadeed iyo mid reereed ka dhaxeeyo isaga oo marar hore wacad meelo fagaarayaal ah kaga maray in uu dagaal ba’an la gali doono sidii uu u guul darraysan lahaana ka shaqayn doono.
Xigasho:Foore

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.