Kulan Lagu Soo Bandhigay Mashaariicda Laga Maal-geliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland

0

Hargaysa (Sayruuq): Kulan lagu soo bandhigayay habka caawimadda dibadda ee la siiyo Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyay sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa xalay lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Kulankaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd in bulshadda looga waramo halka ay marayaan mashaariicda laga maalgeliyay sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada Qorshaynta, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, mas’uuliyiin ka tirsan Gudidda Sanduuqa Horumarinta Somaliland, aqoonyahano, khabiiro ka kala socday Wasaaradaha Dawladda, ardayda Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray meelaha ay ka timaado kaalmadda ay Somaliland siiyaan dawladaha qaadhaan-bixiyeyaashu, iyadoo loo soo marsiinayo sanduuqa horumarinta oo la sameeyay sanadkii 2011-kii. Waxaana taageero dhaqaale ka geysta hay’ado iyo dawladdo ka mid ah qaadhaan bixiyeyaasha, sida UKAID, DANIDA, Norwegian Embassy International Development Cooperation iyo Kingdom of Netherlands.

Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shirre, oo xubin ka ah gudidda maamusha sanduuqa horumarinta, oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa si balaadhan uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sanduuqa horumarinta Somaliland iyo sidoo kale mudadii uu jiray mashaariicda laga maalgeliyay.

Dr. Sacad, ayaa sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay horumarka iyo sida lagu gaadhi karro, iyo meelaha uu ka muuqdo horumarku marka uu dal gaadho ama sameeyo horumar. Waxaanu yidhi “Horumarku waa nolol wanaag ama tayaynta nolosha, horumarku waa midho geed laga goosto, geedkaasina si uu u baxo waa in la geliyo, tamar, dhaqaale maskax iyo adeegsiga tiknoolajiyada.

Horumarku dhawr meelood ayuu ka muuqan karaa. Ta koowaad waa wax soo saarka, sida beeraha, xoolaha, wershadaha ayaa la odhan karaa horumar ayaa lagu talaabsaday, horumarku wuxuu ka muuqdaa adeegyadda bulshadda, marka la fidiyo waxbarashada, adeega caafimaadka, iyo kuwo kale. Waxa kale oo horumarku uu ka muuqda maamul wanaaga, qaybta kaabeyaashana wuu ka muuqdaa sida wadooyinka, madaaradda, dekedaha, korontadda, biyaha, isgaadhsiinta iyo meelo kaleba. Horumarku waxa kale oo uu ka muuqdaa dhaqanka, waxaana ka mid ah shaqo-wanaagga, xil-kasnimadda, hawl-karnimadda, iyo is-maqalka, waa dhaqamadda kobciya ee nooleeya horumarka.”

Wasiirka qorshaynta waxa uu ka hadlay horumarka iyo meelaha uu ka yimaado, gaar ahaana horumarka ay Somaliland ku talaabsatay ee laga maalgeliyay sanduuqa horumarinta. “Horumarku laba ilood ayuu ka yimaadaa, midi waa inaga, midna waa dibadda. Ka xageena ka yimaadaa saddex qaybood ayuu u kala baxaa, oo ah dawladda, midna waa dadweynaha, meesha kalena waa hay’adaheena samo-falka. Wasaaradda qorshaynta waxaa ka diiwaangashan ilaa 230-hay’adood oo samo-fal oo aynu leenahay.

Waxa kale oo jirta jaaliyadda dibadda oo iyagna ka qayb qaata horumarka, meesha kale ee uu horumarku inooga yimaadaa waa caawimooyinka dibadda inaga soo gala, wadamadda loo yaqaano kuwa soo koraya dhaqaalaha dibadda uga yimaadda ee horumarkooda qaybta ka qaataa waxa weeyi, deeqaha ama mucaawimooyinka la siiyo. Ka kale waa daymaha ay dibadaha ka qaataan, inkasta oo aynaan inagu daymo qaadan, wadamadda soo korayaa way ka qaataan. Midka kale waa maalgashiga gaarka loo leeyahay ee shirkaduhu dalka ka maalgashadaan” ayuu yidhi wasiirka qorshayntu.

Waxa kale oo uu sheegay in qaybta ugu badan ee horumarka Somaliland uu ka yimaado kaalmadda caalamiga ah ee ay Somaliland siiyaan dawladaha qaadhaan bixiyeyaashu, waxaanu yidhi “Waxa dibadda inooga yimaada ee qaybta ka qaata horumarkeena waxa uu u badan yahay gar-gaarka bani’aadanimadda, taasi oo inoo soo marta saddex waddo, midi waa miisaaniyadda dawladda oo la kabbo, habka kale ee ay caawimadu inoo soo gaadhaa waa iyadoo inoo soo marta cid kale, ta saddexaadna waa lacag sanduuq lagu shubay oo gaar inoo ah oo aynu inagu sida aynu doono ka yeeli karno.”

Sidoo kale wasiirka qorshayntu waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababtii ka danbaysay in la sameeyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF), taasi oo ka dhalatay ka dib markii ay Somaliland shirar la yeelatay hay’adaha kaalmadda u qaabilsan dawladaha Daanish-ka iyo Ingriiska sanadkii 2011-kii. “Anagoo ka duulayna tayayna mucaawimooyinka, sanadkii 2011-kii waxaanu wadahadal la bilawnay hay’adaha kaalmadda dibadda u qaabilsan dawladaha Danish-ka iyo Britain, kaasi oo ku saabsanaa sidii loo tayayn lahaa caawimadda, loogana guuri lahaa caawimadan gacmaha badan soo maraysa loona samayn lahaa sanduuq caawimo oo Somaliland u gaar ah. Dhawr sano ayay soo socotay, aakhirkiina waa lagu guulaystay. Kaalmadii u horaysay ee sanduuqaasi lagu soo ridayna waxaa iska kaashaday dawladaha Ingiriiska iyo Denmark. Ka dibna waxaa ku soo biiray dawladda Holland, iyo Norway. Ka dib Waxaynu samaysanay qorshe inaga inoo gaar ah, oo ku salaysan shanta tiir ee ugu muhiimsan in la maalgeliyo. Kuna salaysan qorshaheena shanta sanno.”

Dhinaca kale Wasiiru-dawlaha wasaaradda Maaliyadda Cismaan Saxariid Cadaani, oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyay qasnadda dawladda,kuwaai oo ay ka mid yihiin lacagta doorashooyinka Wakiiladda iyo ta madaxtooyadda qaybta dhaqaalaha ee dawladda kaga soo beegantay, bixintii derjadda ciidamadda, iyo meelo kale. waxaanu sheegay in miisaaniyadda dawladda 10% ka mid ah loo qoondeeyay in lagu maalgeliyo horumarka dalka, iyadoo qayb ka mid ah lacagta ay dawladu u qorshaysay horumarka ay ka timaaddo sanduuqa horumarinta Somaliland.

Md. Cadaani, waxa kale oo uu sheegay meelaha loo qoondeeyay in sanadkan lag maalgeliyo qasnadda dawladda in qaybta ugu badani ay geli doonto wadooyinka, kuwaasi oo ay ugu horayso wadadda Ceerigaabo, halka qaybta kalena la qorsheeyay in la geliyo wadooyinka kale ee dalka ka socda. iyo dhismaha magtabadda Berbera, sida dhismeyaasha xafiisyadda dawladda.

Intii ay socotay xafladaasi waxaa lagu soo bandhigay filin Dhokmentari ah oo ka warmayay sidii uu ku samaysmay sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund), kaasi oo ku yimid go’aan ay qaateen dawladaha qaadhaan bixiyeyaashu oo ahaa in Somaliland wixii caawimo ah ee la siinayo aan loo soo marin cidkale, balse toos loo siiyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.