Kulan Ku Saabsan Nafaqaynta Carruurta Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
Kulan Ku Saabsan Nafaqaynta Carruurta Oo Hargeysa Lagu Qabtay
Kulan Ku Saabsan Nafaqaynta Carruurta Oo Hargeysa Lagu Qabtay
Munaasibad is barasho ah oo ay soo abaabuleen machadka Sixa ee dhiirigelinta iyo tababarida hooyada, ayaa xalay lagu qabtay hotel dalsan ee magaalada Hargeisa.
Munaasibad oo ahayd mid is barasha oo ay ku kulmeen qaar ka mid ah haweenka tirada badan ee sida online ah ugu xidhan machadkani iyo asaasayaasha machadka ayaa waxa warbixino iyo talooyin balaadhan halkaasi siiyey hooyoyinkii ka soo qayb galay xaflada
Dr. Mahdi Cali Maxamed oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada caruurta iyo nafaqada, ayaa waxa uu dhakhtarku la wadaagay hooyoyinkii soo ajiibay munasibada talooyin faro badan oo ku adaan nafaqaynta carruurta iyo korintooda iyo muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo cafimaad ahaan dhalaanka koraya
Geesta kale waxa iyaguna ka hadashay munasibadaasi Dr Khadra Ibrahim oo ka tala bixisey heerarka daryeelka hooyada iyo taranka caafimaadka, waxanay dhakhtaradu la wadaagtay hooyoyinka iyo hablaha ka soo qayb galay madashan sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo cafimaadka hooyada gaar ahaan xiliga uurka iyo muhiimada ay leedahay inay hooyoyinku ku xidhnaadan xanaanooyinka xilliga uurka iyo dhalmadaba.
Waxa isaguna ku dheeraday muhiimada uu talaalku u leeyahay ubadka Dr. Xuseen Jama oo hooyoyinka kala dardaarmay inay ubadka u ilaaliyaan talaalada u muhiimka ah inta uu yar yahay ee uu ku jiro da’ada talaalka
Abwaan Koos Jamac Dhunkaal ayaa iyaduna gabayo iyo dareeno wacyigelineed la wadaagtay hooyoyinka iyadoo u tilmaantay waajibka saaran iyo daryeelka sugaya
Ugu dambayn waxa madasha soo afmeeray Asma iyo Marwa Mohamed oo ah asaasayaasha machadka iyo qorayaasha buuga ” Nafaqee ilmahaga” iyagoo ku dheeraday muhiimada ay leedahay koriinka ubadka iyo ilaalinta cafimaadkoodu aadna u soo dhaweyey ka qayb galayaashi una tilmaamay inay mar walba talo iyo tusaaleba ula diyaar yihiin. waxaanay ugu dambayn u mahadnaqeen ka soo qayb galayaashii sida quruxda badan ee ay u soo ajiibeen kulankan.
Kulan Ku Saabsan Nafaqaynta Carruurta Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.